Maxaabiis ka baxsatay xabsiga laascaanood

 

16 maxbuus ayaa Salaasadan maanta ka baxsaday xabsiga dhexe ee Laascaanood.

Sidaas waxa bartiisa Facebook-ga goor dhawayd ku daabacay weriyaha caanka ah ee VOA-da Hargeysa uga warama Cabdixakiim Maxamuud Shircwac.ย 

Sidoo kale, hal askari oo anshax ahaan ugu xidhnaa xabsiga Laascaanood ayaa isaguna ku dhex geeriyooday xabsiga.

Wararka hordhaca ahi waxa ay sheegayaan baxsadka maxaabiistan in laga fududeeyey gudaha jeelka.

Wali lama oga nooca maxaabiista baxsatay iyo in ay ku jiraan argagixiso iyo budhcad-badeed.

Magaalada Laascaanood ayaa sannadihii u dambeeyey ahayd meel aad u nabdoon kuna tallaabsatay horumar dhinacyo badan ah.

Halkan kala soco wixii warkaas ka soo kordha.

Bandhige@gmail.com