Maxaad ka taqaannaa masjidka ugu weyn Itoobiya ee ay rabshaduhu ka taagan yihiin?

Wararka ka imaanaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in weli ay taagan tahay shaqaaso u dhaxeysa booliiska dalkaas iyo dad ka dibadbaxayay burburinta masaajiddo.

Dibadbaxyadan ayaa dhacay inkastoo Golaha Sare ee Islaamka ee Itoobiya ay dadka ugu baaqeen inay ka baaqsadaan mudaaharaadyada.

Sida laga soo xigtay booliiska Itoobiya, ilaa saddex qof ayaa shalay ku dhintay dibadbaxyada ka dhashay burburinta 19 masaajiddo uu ka mid yahay Masjidka Grand Anwar, oo maamulka gobolka Oromia ay ku dhawaaqeen.

Shalayna, salaaddii Jimcaha kaddib, waxay wararku sheegayaan in tiro dad ah ay ku dhaawacmeen rasaas ay booliisku fureen.

Dhanka kale, Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya (EHRC) ayaa sheegay in ilaa 40 qof la xirixiray kaddib dibadbaxyada, waxayna ku baaqeen sii deynta dadkan, haddii aan loo heyn wax caddeynaya inay dembiyo galeen.

Dhowr goobood oo ay Muslimiintu ku cibaadeystaan oo ku yaalla bannaanka magaalada Addis Ababa ayaa la burburiyay bilihii la soo dhaafay, tanoo qeyb ka ah qorshaha magaaleynta ee lagu muransan yahay, kaasoo caro ku abuuray Muslimiinta dalkaas.

Bishii hore dabayaaqadeedii, Golaha Sare ee Islaamka ee gobolka Oromia ayaa sheegay in 19 masjid oo ku yaalla magaalada Shaggar la burburiyay waxayna ugu baaqeen dowladda gobolka inay ka baaqsato arrintaas ayna ku dhammeyso wada xaajood.

Golaha ayaa sidoo kale isla codsigaas u diray raysal wasaare Abiy Axmed.

Anwar

Ma aha markii ugu horreysay ee gudaha masjidkan ay wax ka dhacaan. Bishii December ee sanadkii 2015, weerar bamboo loo adeegsaday oo ka dhacay gudaha masjidka xilli salad lagu tuknayay ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 10 qof, sida ay dowladdu sheegtay.

Dowladda ayaan markaas carrabaabin cidda ka dambeysay weerarkan.

Warar kale ayaa sheegayay in dhawaq culus laga maqlay agagaarka masjidka loona maleynayo inuu ka dhashay koronto qaraxday.

Dhowr kooxo mucaarad ah ayaa xilligaas kacdoon hoose ka waday gudaha Itoobiya.

Maxkamad ku taalla Itoobiya ayaana 18 Muslimiin ah, oo ay culimo iyo weriyeyaal ku jiraan xukun ilaa 22 sano oo xabsi ah ku ridday iyadoo u cuskaneysa sharci ka dhan ah argagixisada oo muran dhaliyay kaasoo la soo saaray bishii August ee sanadkii 2015.

Muxuu yahay masjidkan?

Anwar

Masjidka Grand Anwar, oo sidoo kale loo yaqaanno Masjidka Al-Anwar Mosque amaba “Jama’a Salat”, waa kan ugu weyn uguna qaddiimsan Addis Ababa, wuxuuna ku yaallaa degmada Arada.

Masjidka waxaa sanadkii 1922 dhisay Talyaaniga, xilligaas lama dhammeystirin, waxaa kaddib lacag laga uruuriyay Muslimiinta markaas ayuuna noqday masjid buuxa.

Masjidkan waxaa loo dhisay qaab cajiib ah, wuxuuna leeyahay midabbada cagaarka iyo caddaanka.

Xilliyada Ramadaanka, kumannaan qof ayaa isugu timaadda oo ku cibaadeysata.

Xigasho:BBC somali

Bandhige@gmail.com