Maxamed Bello oo ah muslim Nayjeeriyaana ayaa geeriyooday isagoo leh 97 xaas iyo 203 carruur ah

 

Waxa Sabtidii geeriyooday Maxamed Bello oo ah Nayjeeriyaan muslim ah, da’diisu waxay ahayd 93. Wuxu aaminsanaa diinta Islaamka. Wuxu taariikhda ku galay in uu noqday ninkii xaasaska iyo carruurta badnaa adduunka inta la og yahay.

Sida ay qortay jariidadda  Punch oo Nayjeeriya ka soo baxda, Maxamed Belle wuxu ka geeriyooday 97 xaas iyo 2013 carruur ah. Ka hor intii aanu geeriyoon wuxu furay 10 xaas. Wadarta xaasaska uu soo guursaday waxay isku noqonayaan 207.

Maxamed Bello ka hor intii aan la ogaan in uu leeyahay xaasas badan oo shareecada ka baxsan wuxu ahaan jiray imaam masaajiddada ka jeediya khudbadaha Jimcaha. Hase ahaatee imaamnimadiisii waxay meesha ka baxday markii la ogaaday xaasaska tirada badan ee uu mar wada qabay iyadoo ay muslimiinta waddankaasi aad uga cadhoodeen kuna tilmaameen nin ku xad-gubay shareecada Islaamka.

Maxamed Bello waxa dhawr jeer lagu xidhay deegaanka Boqortooyada Bide oo uu deganaa isla markaana ka tirsan gobolka Nayjer ee Nayjeeriya. Waxa lagu eedeeyey in uu diinta Islaamka iyo Qur’aanka si khaldan u fasiray isla markaana uu ku kacay fal ka mabnuuc ah diinta Islaamka maadaama uu mar wada qabay in ka badan 4 xaas oo ay diinta Islaamku oggoshahay.

Muddo hore mar uu waraysi bixiyey wuxu yidhi “Waxan leeyahay 86 xaas, waxay ku wada nool yihiin daar kali ah, gurigaygana nabadgalyo buuxda ayaa ka jirta, sidee markaa loo odhan karaa waa arrin khalad ah”. Wuxu sii raaciyey “Qofka caadiga ahi ma guursan karo 86 xaas, laakiin aniga waxa igu ladhan oggolaansho xagga samada ah.”

Maxamed Belle mar kasta oo la xidho wuxu ku doodayey in fasiraaddiisa marka la eego ay diintu ogoshahay tirada xaasaska ugu badan mar haddii ninku hamo ahaan iyo dhaqaale ahaan awoodi karayo.

In kastoo culimada gobolkaasi ay sheegeen in aanu Maxamed Belle muslim ahayn, isla markaana muslnimnimo sheegan karin maadaama uu shareecada jebiyey, haddana isagu wuxu ku adkaysan jiray in uu yahay qof muslim ah, go’aannadiisana xagga samada laga hagayo.

Sida ay BBC-du sheegtay, Axaddii ayaa la aasay Maxamed Belle, waxana aaskiisa ka qayb-galay tiro dad ah oo badan oo ay deegaan ka soo wada jeedaan.

Dhimashada Maxamed Belle waxa maanta weriyey warbaahinta caalamiga ah, iyadoo la sheegay in uu ka mid ahaa dadka ugu caansan Nayjeeriya, khilaafka diiniga ah ee ugu badana ka dhaliyey dalkiisa.

Il-wareed: Wakaaladaha Caalamiga ah ee Wararka

Bandhige@gmail.com