Maxamed Biixi oo khudbad ku saabsan fursadaha iyo caqabadaha hor taagan ictiraafka Somaliland ka jeediyey Jaamacadda Gollis

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Maxamed Biixi Yoonis ayaa muxaadiro ku saabsan fursadaha uu haysto iyo caqabaddaha hortaagan ictiraafka Somaliland ka jeediyey Jaamacadda Gollis ee Hargeysa.

Muxaadiran oo ay soo qaban qaabiyeen ardayda barata culuumta siyaasada iyo xidhiidhka caalamiga ah.

Ugu horayn xafladan waxa ka hadlay madaxa Xidhiidhka Bulshada ee Jaamacadda Gollis Cismaan Abokor oo ka hadlay taariikhda iyo waxbarashada Maxamed Biixi Yoonis, isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Maxamed Biixi waxa uu hadda diyaarinayaa shahaadada sare ee PHD-da, waxaanu haystaa laba shahaado oo Master ah oo ku saabsan Siyaasada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah iyo mid ah Maamulka iyo Maareynta.”

Intaa ka dib waxa hadalka la wareegay Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis waxaanu guddo galay mawduucii khudbadu ku saabsanayd, waxaanu ku bilaabay:

“Sidaad wada ogtihiin shacbiga Somaliland waxay dib ula soo noqdeen xoriyadoodii luntay 1991-kii, ka dib markii dagaalo ay la galeen dawladdi keligii taliyaha ee Siyaad Barre. Markay ka soo noqdeen xeryihii qaxoontiga ayaa waxay yimaadeen gabi ahaan magaalooyinkii oo burbursan, waxay isku dayeen inay dalkoodii nabad iyo xasilooni keenaan, inay dalkooda dhistaan sidii Somaliland ay cagaheeda iskugu taagi lahayd.”

Maxamed Biixi oo ka hadlaya waxqabadka Somaliland gaadhay waxa uu yidhi:

“Run ahaantii waxyaabaha ay maanta Somaliland gaadhay waxa ugu mudan waa nabadd, sidii la idiin sheegay anigu waxa aan ka shaqaynayey nabadda ama arrimaha ku lugta leh ee xalinta khilaafaadka todoba sanno ayaan joogay Daafuur iyo Qaza, waxaan dhawr sanno la-taliye uga ka ahaa Caruusha Xoghayihii Qaramadda Midoobey ee Kofi Anan oo aan u joogay Maxkamadda Dambiyada Dagaalka ee (ICC), markaa maadaama aan khibrad badan u lahaa nabadda iyo qiimaha ay leedahay, waxa aan aad iyo aad idiinku bogaadinayaa in nabaddu ay tahay aasaaska nolosheena oo hadaynaan nabad iyo xasilooni aynaan haysanin aynaan meelna gaadhi karin oo ay tahay in horta aynu nabadeena adkaysano, waayo hadaan nabadi jirin ictiraafna ma imanayo, horumarna iman maayo, markaa qadiyada ugu weyn ee aynu u baahan nahay in aynu is fahamsiino oo ay ahaato waxa inagu weyni in ay tahay nabaddeena iyo xasiloonideena in aynu wax kasta ka horaysiino oo aynu ku dedaalno in ay tahay saldhigii nolosha aynu maanta ku nool nahay, maadaama oo aad tihiin dhallinyaradii waddankan in aad ku dedaashaan in aad ka shaqaysaan nabadda ayaan idin kula talinayaa.”

Sidoo kale waxa Maxamed ka gaara ugu warbixiyey waxyaabihii aya Somaliland qabsatay muddadii ay jirtaty, isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi:

Somaliland waxaynu odhan kartaa waxyaabo badan ayay qabsatay oo ay ka mid tahay dimuqraadiyada, doorashooyin ayaa dhacay, Madaxweyneyaalbaa is bedelay, wax alaale iyo wixii ku lug leh inay dawladdi lahaato way samaysatay oo hay’addihii ayaa jira, Jaamacaddihii baa jira, Bileyskii ayaa jira, Milatarigii ayaa jira, Calanbaynu leenahay, Lacagteeniibaa socota, Cashuurtii ayaynu qaadnaa, Cusbitaaladii ayaa jira, markaa wax alaale iyo wixii shuruudo dawladd looga baahnaa ee ay lahayd waynu samaysanay oo sidii ay dawladdi u dhaqmaysay ayaynu u dhaqanaa, hase yeeshee Ictiraaf ma haysano.”

Waxa kale oo ka hadlaya waxyaabaha lagu qiimooyo Qaran waxaanu yidhi:

Maxaa lagu qiyaasada Qaran? Waxa lagu qiyaasaa khaasatan marka ay shuruudaha ay buuxiso, gaar ahaana waxa la soo qaataa qaraarkii ay Qaramadda Midoobay soo saartay 1933-kii, qaraarkaasi waxa uu qeexayaa waxa ay tahay Qaran waxa uu sheegayaa qaraarkaasi in uu Qaran uu lahaado dad, waa inuu xuduud mucayin ah yeeshaa, waa inuu dawladd lahaadaa jirta oo shaqaynaysa, waana inuu lahaada awood uu heshiisyo kula galo dawladdo kale, kuwaasi waa afarta shuruudood ee ugu waaweyn ee ay dawladdi yeelato Somalilandna afartaasi shuruudood way buuxisay, xuduudahana waynu leenahay oo waliba inagu maynaan dhigin ee gumaystihii ayaa dhigay, oo aynu xuduudo la wadaagno Jabuuti, Soomaaliya iyo Itoobiya, isla markaana aynaan kharibin xuduudihii uu gumaystuhu dhigay, waxaad odhan kartaa xuduudo mucayin ah ayaanu leenahay, waxa kale oo aynu leenahay heshiisyo aynu la galno dawladdo kale oo waad la socotaan inta badan waxa aad aragtaan aniga oo dawladdo heshiisyo la saxeexanaya haba ahaato Itoobiya oo aan imika dhawaan la saxeexanay Berbera Kooridhoor oo ka kooban jidka isku xidhi doona Berbera ilaa Adisababa, tareenka Berbera ilaa Diridhaba, iyo laydhka Itoobiya, markaa heshiisyo fara badan ayaanu la saxeexanaa shirkaddo, dawladdo iyo dad badan oo jira. Markaa waxa aanu leenahay awoodaa aanu heshiisyo kula saxeexano ama kula gaadhno dawladdo fara badan iyo ururadoodii iyo safaarado badan oo dawlado badan matala ayaa halkan jooga oo safaaradaa waddankan degan, markaa cilaaqaad ayaanu ilaa hadda wadnaa.”

Sida uu sheegay Maxamed Biixi Somaliland waxay buuxisay shuruudihii Qaran hadana wali may helin ictiraaf caalamiya oo ay ku macaamisho dunidda intee kale, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Hase yeeshee, inkastoo aynu shuruudihii buuxinay ilaa hadda ma haysano Ictiraaf buuxa, balse ilaa imika waxa aynu nahay oo aynu haysanaa waxa ay ugu yeedhaa mid aynu cid gaara la macaamili karno oo kooban. Hadaba maxaa aysta ictiraafkeena? Halkeese aynu u maraynaa?, waxa ugu horeeya waa in inagu aynu is-Ictiraafno oo aynu dalkeena nabad-galyadiisa ilaashano, oo la ilaaliyo wada jirka iyo midnimo dalkeena iyo dadkeena ah, waxa jirta dawladeena iyo dawladihii horeba ay dedaal fara badan ay ka sameeyeen sidii ay ictiraafkaasi u raadin lahaayeen. Waxay aniga iigu muuqataa shakhsiyan in ictiraafkeenu aanu dheeraan doonin, ictiraafkeenana aynu heli doono wax la inoogu diidaana aanu jirin, waxa ugu weyn ee aanu isku mashquulinaa wasaarad ahaan waxa weeyi in horta waddanka arrimihiisa arrimihiisa dhaqaale la xoojiyo oo shirkada iyo dawlada waxay kala saxeexdaan bataan.”

Waxa kale oo Maxamed Biixi xusay in kiiska Somaliland uu ka duwan ka Koonfurta Suudaan iyo Elatariya, isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waxaad la socotaan 2005 waxa Somaliland yimid wefti ka socda Midawga Afrika, waxayn yidhaahdeen kiiska Somaliland wuu ka gadisan yahay kiisaska dawladahaa kale, runtiina waynu ka gedisan nahay oo maynaan ahayn sida Suudaan iyo Koonfurta Suudan, Elatariya iyo Itoobiya, inaga xor ayaynu tagnay Soomaaliya, markaa waddan xor ah oo u tagay waddan kale oo hadana soo noqday, waxa ay inoogu diidaan ma jirto ee run ahaantii waxa yara jirta baqdin ay ka baqayaan in ay ina Ictiraafaan”.

Muxaadiran ayaa noqonaysa muxaadiradii ugu horeysa ee ay arday dhigata culuumta siyaasada iyo xidhiidhka caalamiga loo jeediyo ayaa imanaysa wakhti ay Somaliland u hadal hayso ictiraafka raadinta.

bandhige@gmail.com