Waxa hadda shirweynihii Waddani loogu doortay murashax Madaxweyne-Xigeenka Ambassador Maxamed Cali, wuxuu ka guulaystay Guddomiye-Xigeenka Waddani Axmed Muumin Seed.
Maxamed Cali wuxu helay 544 cod halka Axmes Muumin Seed ka hleay 44 cod.
Guddoomiye Axmed Muumin Seed ayaa wararka qaar tibaaxayaan in aanu qanacsanayn lagana yaabo in uu shir-saxaafadeed qabto.
Doorashada Maxamed Cali ayaa marka horeba la filayey iyadoo warbaahinta qaarkeed iyo iyo dadweynaha ku wada xidhiidha baraha bulshadu ay isla dhex marayeen in Guddoomiye Cirro iyo taageereyaashii ay u codaynayaan Ambassador Maxamed Cali.
Wixii war soo kordha waanu idinla soo socodsiin doonaa haddii Alle idmo.
Bandhige News
bandhige@gmail.com