Maxamed Xaashi oo ka digay wareejinta Haamaha Kaydka Shidaalka

“Haddii Haamaha Kaydka Shidaalka dad gaar ah lagu wareejiyo, waxay noqon doontaa khatar soo food saari doonta Somaliland” sidaas waxa yidhi wasiirkii hore ee maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi oo xalay u warramay telefishanka Star TV.

“Dhul iyo daaraba waxa lagu iibiyaa sharci-darro, waa xoolo ummadeed. Waxay ahayd ugu yaraan in iibkooda dadku u sinnaado. Hebel iyo hebel baanu siinay wax inna anfaca maaha” ayuu yidhi Maxamed Xaashi.

Maxamed Xaashi wuxu Haamaha Kaydka Shidaalka ku sifeeyey in ay yihiin meel halbawle ah oo aan cid gaar ah lagu wareejin karin, isla markaana haddii uu dalku dagaal galo ay halis weyni ka iman karto.

“Ilaahay innaguma keenee haddii aynu dagaal galno miyaan la odhanayn reserve-kii (kaydkii) waa la isticmaalay oo lama hayo. In tiro dad oo yar la raaligeliyo waxa ka wanaagsan dadka waxooda oo loo hagaajiyo” ayuu raaciyey Maxamed.

Maxamed Xaashi waxa kale oo uu tibaaxay in dalku dariiq aad u liita qaaday iyadoo ay qabyaaladdu noqotay miqyaaska wax lagu qaybiyo. Qabyaaladdana wuxu ku tilmaamay in ay tahay dhibaatada ugu weyn ee dalka haysata.

Dhanka kale Maxamed Xaashi wuxu sheegay in dimuqraadiyaddu ay tahay wax aan anfacayn Somaliland laakiin ay tahay in lagu dhaqmo diinta Islaamka.

Hoos ka daawo waraysiga Maxamed Xaashi Cilmi uu la yeeshay telefishanka Star.