Maxay Somaliland ka sheegtay warbixinta Kooxda Kormeerka Qaramada Midoobay “UN Monitoring Group”?

Kooxda Kormeerka Qaramada Midoobay ee loo yaqaan “UN Monitoring Group” ayaa soo saartay warbixin sannadeedkooda ay u gudbiyaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ay wakiil uga yihiin arrimaha amniga iyo sirta ee dhulkii Soomaaliya la isku odhan jiray iyo Ereteriya.

Warbixinta oo maalmihii ugu dambeeyey la sugayey waxa uu Golaha Ammaanku ansixiyey Salaasadii inna dhaaftay, waxayna ka kooban tahay 322 bog. Warbixinta “UN Monitoring Group” ay soo saaraan waa ta rasmiga ah ee uu ku dhaqmo kana shidaal qaato Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo ah unugga qaabilsan go’aamiyana amniga dunida.

Sidii sannadihii horeba, warbixintu Somaliland kama ay sheegin dhibaatooyin aad u waawayn oo la mid ah kuwa ay ka sheegtay Puntland iyo Soomaaliya, kamana ay wada tegin.

Waxa ay warbixinta kooxdu tibaaxday in uu Somaliland uu kor u kacay muranka la xidhiidha dhulka iyada oo 45 dhacdo oo la xidhiidha muran dhuleed ay ka dhaceen xayndaabka Somaliland intii u dhaxaysay bishii sideedaad iyo sagaalaad ee sannadkan oo kaliya.

Murannada dhulka waxa kor u qaaday sida ay warbixintu xustay qiimaha dhulka oo kor u kacay Somaliland iyo xaraashka sharci-darrada ah ee lagula kaco dhulkii iyo hantidii ma-guurtada ahayd ee ummadda u dhaxaysay oo sare u kacay.

Warbixintu waxa kale oo ay falanqaysay kaluumaysiga sharci-darrada ah oo kor u kacay guud ahaan dhulkii Soomaaliya  la isku odhan jiray.

Dhinaca Somaliland waxa ay sheegtay in shirkad la yidhaa Anglo Somaliland Resources Ltd “ALR” oo uu horkacayo nin ka tirsanaan jiray baarlamaanka Ingiriiska magaciisana la yidhaa Sir Tony Baldry uu Somaliland la galay heshiis ah in kalluumasiga Somaliland gebi ahaanba shirkaddan loo xidho taas oo ay Somaliland-na u saxeexday.

Kooxda Kormeerka ee Qaramada Midoobay “UN Monitoring Group” oo la xidhiidhay Sir Tony Baldry wuxu sheegay in Somaliland ka codsatay in uu wax ka hagaajiyo heshiisyada dhinaca kalluumaysiga iyada oo shirkadda ALR ay noqon doonto shirkadda u qaabilsan Somaliland dib-u-sii-bixinta liisannada kalluumaysiga.

Tony Baldry wuxu sheegay in kadib markii uu Somaliland la galay heshiiskan kalluumaysiga uu Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ku qaabilay Qasriga Madaxtooyada isla markaana uu ka codsaday in uu Somaliland u noqdo danjire dhinaca ganacisga ah ama waxa af-Ingiriisiga lagu yidhaa “Business Ambassador.”

Kooxda Kormeerka ee Qaramada Midoobay waxay ka walaacsan yihiin in heshiiskan kalluumaysigu horseedi karo khilaaf hor leh oo qarxa, maadaama ay arrintani saamayn ku yeelanayso shariikadaha maxaliga ah ee Somaliland ee kalluumaysiga ka ganacsada.

Geesta kale, warbixintu waxa ay werwer ka muujisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo dib u bilaabaysa wada-xaajood la xidhiidha goobo shidaal oo ku yaal Somaliland iyo Puntland, kuwaas oo ay kala xaajoonayso shirkadda muruqyada weyn ee ConocoPhillips.

Goobahan shidaalka ee laga wada-xaajoonayo waxa ka mid ah kuwo ku yaalla Sool iyo Sanaag oo ay warbixintu sheegtay in ay ku muransan yihiin Somaliland, Puntland iyo koox la baxday Khaatumo. Warbixintu waxa ay carrabaabtay in wada-xaajoodkan cusubi uu horseedi karo khilaaf hor leh oo ka holca deegaannada ay ku yaallaan goobahan oo la sahamiyey wixii ka horreeyey 1991-kii.

Dhinaca xuquuqda aadamaha, warbixintu waxa ay sheegtay in carruur yaryar oo da’doodu tahay 10 ilaa 12 jir la ciidamaynayo si ay u taageeraan ciidamada Somaliland ee ku sugan Sool iyo Sanaag. Carruurta oo ciidan laga dhigaa waa dambi marka loo eego sharciga Qaramada Midoobay.

Dhinaca amniga, warbixintu waxa ay tibaaxday in Kooxda Kormeerka ee Qaramada Midoobay  ay ogaadeen (aadna ay ugu badan tahay ) in dilkii 25-kii January 2015 dawladaha ka tirsan Golaha Ammaanku ay u gaysteen madaxii sirdoonka ee Al-Shabaab ee qaabilsanaa arrimaha dibedda Yuusuf Dheeg “Ismaaciil”  uu suurtogalay kadib markii  sirdoonka Somaliland soo gudbiyeen lambarka mobile-kiisa.

Warbixintu waxba kama sheegin qodobo ay dadka qaar filayeen oo ay ka mid ahaayeen khilaafkii ka dhashay Haamaha  Kaydka Shidaalka ee Berbera iyo jabhadda Suldaan Wabar oo hawl-gallo dhawr ah ka fulisay Awdal kuwaas oo sababay in xabsiga loo taxaabo odayaal door ah.

Bandhige@gmail.com