Maxbuuskii Falastiiniga ahaa ee 60-ka maalmood cuntada ka soomanaa ayaa miyir-beelay

Maxamed Nasruddiin Callaan oo u xidhan xukuumadda Israa’iil, muddo lixdan maalmood ahna cuntada ka soomanaa ayaa hadda miyir-beelay. Wuxu ku jiraa kooma waxana lagu rikibay qalabka macmalka ah ee ka shaqaysiiya sambabbada.

Maxamed waxa lagu soo eedeeyey in uu ka tirsan yahay kooxda la yidhaa “Islaamic Jihaad”, wuxuna xabsiga ku jiraa iyadoo aan wali maxkamad la taagin.

Xukuumadda Israa’iil ayaa Maxamed Callaan u kala wareejisay dhawr cusbitaal iyadoo aan ilaa hadda helin dhakhtar ogolaada in ninkan khasab cunto lagu siiyo isla markaana caafimaadkiisa la baadho iyadoo sidaas aanu ogolayn maxbuusku.

Cusbitaalka la yidhaa Barzilai Medical Centre oo Maxamed Callaan in muddo ah lagu dawaynay ayaa ku gacan-saydhay xukuumadda Israa’iil in ay cunto khasab ah siiyaan, laakiin waxay ku mudeen dhawr irbadood oo ka caawinaya in uu sii yara noolaado.

Sida qareenkiisa sharcigu ku warramayo, Maxamed xalay buu koomada galay, haatanna waxa ku rikiban qalabka macmalka ah ee bukaanka ka caawiya in ay sii neefsan karaan.

Maxamed hooyadii iyo dhawr qof oo xuquuqda Aadamaha u ololeeya ayaa dhakhtarka tagay, laakiin waa loo diiday in ay arkaan sida ay xaaladdiisu tahay.

Laanqayrta Cas ayaa todobaadkii hore ka digtay in Maxamed xaaladdiisu halis ku jirto waxayna Israa’iil ugu baaqday in ay hooyadii u ogolaadaan in ay dul joogsato.

Maxamed Nasruddiin Callaan waxa la xidhay Noofamber 2014, muddo 10 bilood ah ayuu hadda xukun la’aan xidhan yahay.

Bandhige@gmail.com