Maxkamad Faransiis ah ayaa baabiisay kiiskii sumaynta Yaasir Carafaat

Maxkamad ku taal Paris oo la yidhaa Nanterre ayaa meesha ka saartay kiiskii xukuumadda Yuhuudda lagu eedeeyey in ay sumeeysay Yaasir Carafaat. Maxkamaddu waxay kiiskan laashay iyada oo aan qaadin wax dacwad ah.

Xaakinnada maxkamaddani waxay sheegeen in ay u muuqan wayday sabab uu galka kiiskani u furnaado, baadhitaano ay sameeyeena ay ku ogaadeen in Yaasir Carafaat sababo dabiici ah u geeriyooday.

Hase ahaatee saynisyahanno Iswiisarlaan u dhashay oo baadhitaano ku sameeyey dharkii Yaasir Carafaat iyo lafihiisii la soo faqay ayaa sheegay in ay ka heleen maadaada la yidhaa polonium-210 taas oo ay dadku u dhiman karaan haddii loo adeegsado.

Guddida Baadhitaanka Geeritii Carafaat iyo haweenaydii uu ka geeriyooday Yaasir Carafaat oo magaceeda la yidhaa Suha ayaa labaduba ku gacan-saydhay go’aankan waxayna ku sheegeen in uu yahay mid dhinac u xagliyey.

Yaasir Carafaat wuxu 2004-tii ku geeriyooday Faransiiska. 2012-kii xaaskii uu ka geeriyooday ayaa dacwad ka furatay maxkamadda Nanterre iyada oo xukuumadda Israa’iil ku eedaysay in ay iyagu sumeeyeen saygeedii.

Il-wareed: Wakaaladaha Wararka

Bandhige@gmail.com