Maxkamad sare oo ku taalla Ingiriiska ayaa xukun kale ku ridday Jabuuti

Maxkamadda sare ee England iyo Wales ee magaalada London ayaa horay u sii wadaysa go’aankii 31-dii bishii August ee 2018-ka, kaas oo ahaa in shirkadda dekadaha ee dawladda Djibouti (“PDSA”) ka mamnuucaysa in ay farogelin ku sameyso maamulka dekedda Doraleh.

Kadib markii 14-kii bishii Sabteembar ee 2018-ka ay maxkamadda dhagaystay dacwadda, taas oo PDSA aanay ka soo xaadirin maxkamadda, balse maxkamadda ayaa amartay in ay sii socoto dacwada ilaa amar dambe.

Amarka maxkamadda sare ayaa daba socday ka dib markii PDSA ay joojisay heshiiskii ay shuraakada kula ahayd DP World, iyo qabashada shirka aan caadiga ahayn ee ay isugu yeedhay hay’adda marsooyinka Jabuuti (PDSA) 9-kii bishan Siteembar, si loo beddelo agaasimeyaashii ay u soo magacawday shirkadda DP World Terminalka Kontaynarrada Dooraale oo ay labada dhinac shuraako ku ahaayeen.

Maxkamadda ayaa sidoo kale amar ku bixisay in ay khasab tahay in PDSA ay xaqiijiso isbedel kasto oo ay ku sameenayso dekedda Dooraale ay ku saleeyso qoondada heshiiskii sida wada jirka ah loo saxiixay.

Taasi oo micneheedu yahay, in dawladda ama PDSA aanay koontorooli karin ama aanay heshiis la gali karin shirkad kale iyadoo aan lala socodsiin shirakadda DP World.

DP World ayaa toddobaadkii la soo dhaafay xaqiijisay in ay horay u sii wadi doonto waddo kasto oo sharciga ku salaysan si ay u difaacato qoondadooda dekedda Dooraale.

Sanadkii 2016-kii heshiiska ganacsiga ee ay dawladda la gashay DP World ayaa waxaa lagu saleeyay sharciga Ingiriiska. Taasi oo micneheedu yahay in khilaafkasta oo ku salaysan heshiiskaas lagu xaliyo heshiis ay dhexdhexaad ka tahay maxakamadda LCIA.

Dekadda Dooraale waa isha dhaqaalaha ugu badan uu ka soo galo Jabuuti, waana halka ay shaqaalaha ugu badan ka helaan fursadaha shaqo.

Xigasho: BBC Somali