Maxkamada Gobolka Hargeysi waxa xayiraadii ka qaaday Mareegta Suradnews.Com

 

Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa xayiraadii saarnayd ka qaaday mareegta SURADNEWS oo in mudo ah si sharci darro ah u xayirnayd taasi oo maalintii shalay ay maxkamada gobolka Hargeysa xayiradii uga qaaday xayiradaasi oo sumadeedu ahayd MGH/XG/104/2017 oo soo baxday 06/07/2017 taasi oo xayiradaasi la wada saaray Shan website oo dhamaantood ka hawlgala Somaliland.

Nuqulka maxkamda gobolka hargeysa soo saartay oo u dhignaa sidan:-

Maxkamada Gobolka M/jeex, Mudanayaal anaga oo ka duulayna xayiraada sumadeedu tahay MGH/XG/104/2017 ee ku taariikhaysan 06/07/2017, nuxurka xayiraadaasina ahayd cabasho ka timid Dhanka X.X Ilaalinta Gobolka M/jeex & Qaybta baadhista danbiyada  C.I.D oo codsaday in la xayiro Shan Website oo ay soo gudbiyeen Dhukumantiskooda & cadaymo muujinaya warar been abuur ah & dacaayado ka dhan ah masuuliyiinta sar sare ee Qaranka JSL iyo warar layskaga hor keenayo bulshada wada degta dalka JSL taas oo sababaysa xasilooni  daro ka dhan ah N/gelyada  guud ee Qaranka JSL.

Markay Aragtey:-  Cabashada ka timid mulkiilaha website-ka Surad News ee khusaysa in website ka uu masuulka ka yahay si khaldan loogu soo daray mareegaha laga cabanayo ee fidida dacaayadaha iyo wararka been abuurka ah ee ka dhanka ah Qaranka JSL.

Markay Hubisay:- In Website-ka Suradnews aanay ku jirin dhukumantiska la soo gudbiyey cadaymo muujinaya inuu fidiyo warar been abuur ah iyo dacaayado ka dhan ah madaxda Qaranka JSL.

Markay Aragtey:- In qaybta baadhista danbiyada C.I.D aanay soo gudbin mudadii loo qabteyna ku keenin cadaymo cusub oo lidi ku ah Mareegta Surad News.

Markaan Ogaanay:- In Mareegta https://Www.Karinnews.com  Oo ka mid ahayd mareegaha ay maxkamadu xayirtay ay si khaldan oo aan sharci ahayn ku sii shaqaynayso, taasina ka hor imanayso fulinta awaamiirta dawliga ah ooy ka dhalanayso ciqaabta masuuliyadeed eey dhigayaan Qod.308(1,2),505XCG.

Waxay soo Saartay Amarkan Hoos Ku Xusan:-

  1. Waxay Maxkamadu xayiradii saarnayd ka qaaday Mareegta https://Www.Suradnews.com . Kadib markii wax cadaymo ah loo lidi ku ah maxkamada loo soo gudbin waayey.
  2. Waxay Maxkamadu ku amraysaa Dhamaan shirkadaha adeega internetka bixiya ee qoraalkan ku socdo inay fuliyaan amarkii maxkamada ee sumadiisu ahayd MGH/XG/104/2017 kuna taariikhaysan 06/07/2017, isla markaana xayiraan joojiyaana mareegta ku hawl gasha magaca https://Www.Karinnews.com oo dib ugu soo noqotay khadka internetka eed isticmashaan
  3. Amarkan wuxuu soo baxay maanta 27/11/1438H = 19/08/2017

Amarkani oo noqonaya mid kor u qaaday dhiiri galina u noqon doona dhamaan hayadaha warbaahinta ee sida sharci daradaha ah loo xayiray waxaana dhamaan garsoorka Somaliland uu muujinayaa sida uu uga soo horjeedo tacadiga lagu hayo hayadaha warbaahinta Somaliland.

Halkan hoose lifaaqan: 

bandhige@gmail.com