Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex oo rumaan u dirtay fanaaniin lagu xidhay tagist Muqdisho

Afar fanaan oo ka tirsan koox faneedka Xidigaha Geeska oo fadhigoodu yahay Hargeysa oo horaantii todobaadkan lagu xidhay Hargeysa, ka dib markii ay bandhig fanneedka ku soo qabteen ciidii magaalada Muqdhiso.

Afar fanaan xidhan muddo saddex maalmood ayaa maanta waxa la horkeenay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex. Intii aan dacwadda la bilaabin dhagaysigeed ayey Maxkamadddu Gobolku u dirtay todoba cisho oo rumaan.

Illo wareedyo ayaa sheegaya in qaar ka mid ah fanaaniinta la xidhay ay ka tirsan yihiin ciimada booliska, halka qaarna dhowaan shaqada dawlada laga eryey.

Dhanka Guddoomiyaha Xidigaha Geeska Xasan Saleebaan Dhuxul Laabsaalax ayaa sheegay in aanay fanaantiina ka tirsanay shaqaale dawladeed, oo ay bandhig faneed ku soo qabteen Muqdhiso.

Xadhiga fanaantii ayaa maalmihii u danbeeyey lagu falanqanayey baraha bulshadu kuwada xidhiidho.

bandhige@gmail.com