Maxkamadda Baakistaan waxa ay fasaxday raggii loo haystay toogashadii Malaala Yuusufsayi badankooda

Sawir hore: Malaala Yuusuf

Booliiska Baakistaan ayaa sheegay in la fasaxay sideed ka mid ah tobankii nin ee ku eedaysnaa in ay toogteen Malala Yuusufsay oo ah gabadh 2014-kii ku guuleystay abaal-marinta caalamiga ah ee loo yaqaan Nobal Peace Price.

Salim Khaan oo ah sarkaal ka tirsan booliska Baakistaan ayaa Jimcihii maanta sheegay in la sii daayey raggan oo loo haystay weerarkii 2012-kii lagu dhaawacay Malala mar ay u ololaynaysay waxbarashada gabdhaha wakhtigaas oo ay ahayd 15 jir.

“Sababta kaliya ee raggan oodda looga qaaday waa in caddaymo loo waayey” Saalim Khaan

Daalibaanta Baakistaan ayaa sheegatay weerarkii Malala lagu qaaday 2012-kii goor ay ku socotay gurigooda iyadoo ka timid dugsi ku yaal xaafaddii ay ku noolayd ee Siwaay oo waqooyi-galbeed kaga taal magaalo-madaxda Islaamabaad.

Malaala waxa laga toogtay madaxa, waxaana markiiba dhaawaceedii lagu qaaday dayuurad gaysay Ingiriiska, halkaas oo qalliinkeedii lagu guuleystay illaa haddana ay deggan tahay.

Bishii afraad ee sannadkan boolisku waxa ay tibaaxeen in tobankan nin lagu helay toogashadii ay kula kaceen Malaala kadib markii maxkamad albaabadu u xidhnaayeen ay ku heshay dambigan kuna xukuntay 25 sanno oo xidh ah mid kasta.

Hase ahaatee Naciim Khaan oo ah dacwad-oogihii kiiska ayaa sheegay in raggani dhammaantood qirteen gacantii ay ku lahaayeen weerarkii Malala lagu qaaday, laakiin markii maxkamadda la saaray laba ka mid ah uun dambi lagu helay.

Malaya oo gacanta haadinaysa habeenkii Oslo lagu guddoonsiinayey Abaalmarinta Nobal, October 2014
Malaya oo faraxsan gacantana haadinaysa habeenkii Oslo lagu guddoonsiinayey Abaalmarinta Nobal, October 2014

Malala waxay noqotay astaanta geesinimada kadib markii ay u joojin wayday hanjabaado uga imanayey Daalibaan isla markaana ay iska sii wadatay ololihii ay ugu jirtay waxbarashada gabdhaha.

Qaramada Midoobay ayaa 12-ka Julaay oo ku beegan sannad-guurada dhalashadeeda u aqoonsatay maalin caalami ah oo dunida oo dhan lagu xuso taas oo loo bixiyey “Maalinta Malaala”.

Dhacdada raggan lagu sii daayey waxay calaamad-su’aal saari doontaa garsoorka Baakistaan oo marka horeba fartu ku godnayn sabobo la xidhiidha dacwadaha sida sirta ah loo qaado.

Kiisaska inta badan waxa lagu qaadaa albaabo xidhan dabadood sababta oo ah garsooreyaasha, qareennada iyo markhaatiyada ayaa looga baqaa weerraro aargoosi ah.

Bandhige@gmail.com