Maxkamadda Hargeysa oo xukuntay saddex qof oo faafinayey mad-habta Shiicada

Maxkamadda Degmada Hargeysa ayaa maanta xukun xadhig, ganaax iyo mastaafuris isugu jira ku riddey saddex qof oo laba ka mid ahi ay u dhasheen dalka Pakistan, kuwaas oo ku eedaysnaa inay mad-habta shiicada ku faafinayeen Somaliland.

Qofka saddexaad ee maxkamadda ay xukunka ku riddey ayaa ahayd qof dumar ah oo Soomaali ah, taas oo ku eedaysneyd in ay marag been ah furtay.

Guddoomiyaha maxkamadda degmada Hargeysa Cabdirashiid Maxamed Xirsi “Beergeel” ayaa sheegay in dadkan ay ku howlanaayeen qal-qal gelinta caqiidada Islaamka ee Sunniga ah ee Somaliland ay aaminsan tahay.

Cabdirashiid Maxamed Xirsi “Beergeel” waxa uu sidoo kale sheegay in eedeysanayaasha oo qaar la xukumay ayaga oo maqan ay qeybiyeen illaa 200 oo buug oo ku turjaman Af-Soomaali, kuwaas oo mad-habta shiicada ka hadlaya.

Faafinta mad-habta shiicada ayaa waxa lagu arkay gegiya Soomaalidu degto, kuwaas oo dhowaan ka bilaabay, inkasta oo ay Soomaalidu aaminsan tahay mad-habta Sunniga ah.

bandhige@gmail.com