Maxkamadda Masar waxa ay dib u riixday dilka Madaxweynihii hore, Maxamed Mursi

Maxkamadda Qaahira ayaa dib u dhigtay go’aanka kama-dambaysta ah ee xukun dil ah oo maanta lagu fulin lahaa madaxweynihii hore ee Masar, Maxamed Mursi, oo maxkamadu hore ugu xukuntay xukun dil ah.

Garsooraha maxkamadda gacanta ku hayey dacwada Mursi ayaa dib u dhigay dacwacada ilaa 16-ka June.

Mursi ayaa galay qolka dhagaysiga dacwada isagoo la socda difaacayaashiisu, maqlayeyna erayadda ay ku dhawaaqayeen taageerayaashiisu oo ka mid ahaayeen “ha dhacaan milaterigu”.

Maxkamadda ayaa dil ku xukuntay Maxamed Mursi bishii hore, ka dib markii ay ku heshay danbi la xidhiidha jebinta dhawr xabsi oo ku yaal meelo kala duwan oo dalka Masar ah iyo fududaynta baxsashada 20,000 oo maxbuus oo uu ku jiray Mursi laftiisu.  Taasi oo ay kala kulmeen dhalleecayn deg deg ah oo ka timid ururrada xuquuqda Aadamaha iyo hoggaamiyeyaasha duninda intooda badan.

Masuuliyiinta Masaarida ayaa mamnuucay ururka Ikhwaanul Muslimiin ee uu hogaaminayey Mursi tan iyo markii xukunka laga tuuray, lana xidhay taageerayaashiisa qaar badan oo ka mid ah.

Dhinaca kale, bishii Abril ayey maxkamaddu ku xukuntay Mursi iyo 12 eedeysanayaal kale 20 sanno oo xabsi ah, taasi oo lagu eedayeeyey amrida iyo jidh dilka dad dibad bax ka dhacay duleedka madaxtooyada sannadkii 2012.

 

bandhige@gmail.com