Maxkamadda racfaanka Maraykanka ayaa diidday codsiga maamulka madaxweyne Trump ee ah, in la hakiyo amarkii madaxweyne Donald Trump ee uu toddobo waddan oo ay badi dadkiisu Muslim yihiin kaga joojinayay in ay yimaadaan dalkan Maraykanka.
Maxkamadda racfaanka ee ku taalla magaalada San Francisco ayaa weydiisatay maamulka Trump iyo gobolka Washington goor hore oo Axaddan maanta ah in ay xareeyaan doodo dheeri ah ugu dambeyn galabnimada Isniinta.
Wasaaradda caddaaladda Maraykanka ayaa racfaanka xareysay galinkii dambe ee maalintii Sabtida taas oo jawaab u ahayd amarka garsooraha maxakamadda federaalka ah ee sida ku meel gaadhka ah u beddelayay mamnuucidda.
Saacado ka dib markii xaakinka Federaaliga ah James Robart, uu hakiyey amarkii fulinta, ayaa madaxweyne Trump wuxuu eedayn u jeediyey Xaakinka, isaga oo uga digay in amarka uu soo saaray uu fursad siin doono in dad badan oo xun oo halis ahi in ay dalka soo galaan.