Maxkamadda Sare oo dhaarisay xildhibaan cusub oo ku soo biiray Golaha Wakiiladda

Maxamuud Ismaacil Xasan ayaa maanta loo dhaariyay in uu noqdo xubin ka tirsan Golaha Wakiiladda ka dib markii uu todobaadkan gudihiisa  uu iska casilay xildhibaan Cali Mareexan oo loo magacaabay Wasiirka Madaxtooyada.

Dhaarinta Mudanahan ayaa ka dhacday Maxkamadda Sare ka dib markii uu Guddoomiyaha Maxkamada sare Garqaan Aadan Xaaji Cali  ku dhaariyey xafiiskiisa.

bandhige@gmail.com