Maxkamadda sare oo u ogolaatay xisbiyada mucaaridku inay shirar ku qabsan karaan hudheellada

Maxkamadda Sare ayaa go’aan ka soo saartay tallaabadii xukuumaddu ay xisbiyada mucaaradka ah kaga horjoogsatay in ay shir ku qabsadaan Hudheelada, waxaanay ku dhawaaqday in xisbiyada mucaaradku ay xor u yihiin in ay shirar ku qabsadaan Hutdheeladda.

Kulan hada ka dhacay xarunta Maxkamadda sare oo ay goob joog ka ahaayeen hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka iyo mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda ayuu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare halkaas kaga dhawaaqay in xisbiyada mucaaradku ay shirar Hudheeladda ku qabsan karaan.

Waxaana wararka halkaas naga soo gaadhaya, ay sheegayaan in wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-Cadde oo halkaas ka hadlay uu xisbiyada mucaaradka ah ku wargeliyey in ay shirar ku qabsan karaan Hudheeladda. Isla mar ahaantaana ay qaadanayaan go’aanka ka soo baxay Maxkamadda sare.

Dhanka kale hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ah, ayaa iyaguna soo dhaweeyey tallaabadan, waxaana ay ku tilmaameen mid geesinimo leh oo uu si caddaalad ah u xukumayGuddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Talaabadan ayaa imanaysa wakhti ay xisbiyadda mucaaridka iyo Madasha Wada-tashigu ay isku bahasteen sidii ay u qaban lahaayeen shir qaran oo aayo ka tashi ah. Dhanka kale xisbiga mucaafidka iyo xukuumadda ayaan gebi ahaanba ku tilmaamtay in shirka qaran ee ay ku baaqeen Isbahaysiga Mucaaridku mid kasoo horjeeda dastuurka dalka, kaaso oo sheegeen in madaxweynuhu ku baaqi karo shir qaran oo ka dhaca dalka.

Guntii iyo gebaddi go’aanka Maxkamadda Sare ayaa noqonaya go’aankii ugu horeeyey ee Maxkamadda Sare ee Somaliland kaga hor timaado go’aanka xukuumadda.

 

bandhige@gmail.com