Nin ayaa la soo taagay maxkamad , markii uu soo galay Qaadigii ayuu u dhiibay Buug uu ku soo qoray dhamaan xumaantii iyo wanaagyadiisa uu sameeyay, si xaakinku u arko in aanu weligii denbigan lagu soo oogay oo aanu shaqo ku lahayn.
Qaadigii ayaa ku yidhi markii uu akhriyay Kitaabka “ Kani waa kii Qiyaamaha, maanta waa aduunyo “.
Ninkii ayaa isaguna ku jawaabay “ Waad ka dhib badan tihiin Qiyaamaha, maxaa yeelay Qiyaamaha waxa la keenayaa wanaagii iyo xumaantiiba, laakiin idinu waxaad meesha ku haysaan xumaan keliya”