“Meel ay xukuumaddu kaga baxday heshiiskii xisbiyada qaranku ma jirto” Saylici

Shir-saxaafadeed ay maanta wadajir u qabteen Madaxweyne-Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylici” iyo hoggaamiyeyaasha xisbiga talada haya ee Kulmiye waxa si adag loogu jawaabay xisbiyada mucaaridka.

“Kow, xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye waxa ay taageersan yihiin heshiiskii xisbiyada qaranka iyo xukuumaddu isla gaadheen meel ay xukuumaddu heshiiskaas kaga baxdayna ma jiro. Laba, ukuumadda iyo xisbiga Kulmiye waxa ay aaminsan yihiin in go’aankii Guurtidu yahay mid sharci ah. Saddex, xukuumadda, xisbiga Kulmiye iyo Guurtidu waxay ka wada hadlayaan sidii xalkii siyaasiga ahaa ee aan danta qaranka u qaadanay aan iskula waafiqi lahayn ee aan meel iskula dhigi lahayn” ayuu yidhi Madaxweyne-Xigeenku.

Madaxweyne-Xigeenku wuxu ka digay in xisbiyada mucaaridku ay khalkhal-geliyaan ummadda una sheegaan war aan jirin.

Maalmihii u dambeeyey waxa xukuumadda cadaadis culus saarayey xisbiyada mucaaridka iyagoo sheegay in xukuumaddu ay ka baxday heshiiskii ay saddexda xisbi wada saxeexdeen kadib markii ay doorashooyinku qabsoomi waayeen xilligii loogu talo-galay.

Golaha Guurtida Somaliland ayaa 11-kii May Madaxweyne Siilaanyo u kordhiyey 22 bilood oo ku eg bisha 4aad ee 2017, waxayna sheegeen in ay go’aankaas u qaateen si aanu dalku u gelin marxalad maamul la’aan ah.

Hase ahaatee waxa go’aankaas ku gacan-saydhay xisbiyada mucaaridka taas oo dhalisay khilaaf ba’an oo siyaasi ah markii dambena keentay in 27-kii May ay saddexda xisbi heshiis ku kala saxeexdaan Qasriga Madaxtooyada kaas oo dhigaya in la soo gaabiyo muddadii ay Guurtidu kordhisay isla markaana doorashadu qabsoonto Diisambar 2016.

Laakiin Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa gaashaanka ku dhuftay heshiiska xisbiyada oo Madaxweyne-Xigeenkuna ku lahaa saxeex goobjoogenimo. Wuxu ku tilmaamay in uu yahay sharci-darro madaxweynuhuna aanu xaq u lahayn in uu saxeexo go’aan wax lagaga beddelayo heshiis ka soo baxay Golaha Guurtida.

Dhawaqan ka soo baxay Guurtidu wuxu ka cadhaysiiyey xisbiyada mucaaridka. 25-kii June Isbahaysiga mucaaridka oo ka kooban UCID, Waddani iyo Madasha Wada-tashiga ayaa ku shiray Hargeysa, waxayna ku hanjabeen in 26-ka Juun wixii ka dambeeya aanay madaxweynenimo u aqoonsanayn Siilaanyo haddii aanu saxeexin heshiiskii xisbiyada iyo mucaaridka gaadheen 27-kii May.

“Heshiiskii saddexda xisbi wada saxeexdeen waxa ka baxday xukuumadda. Shacbiga Somaliland ha ogaadaan wixii ka yimaadda in masuuliyaddeeda ay xukuumaddu qaadayso.” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha UCID.

Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan-Cirro ayaa isaguna shirkaas ka sheegay in Isbahaysiga Mucaaridku ay talo qaran isugu iman doonaan maadaama aanay xukuumaddu diyaar u ahayn in ay dalka doorasho ka qabato.

Musharaxa Madaxweynenimo ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa isaguna sheegay in xukuumaddu ku tumatay sharcigii dalka.

Si kastoo ay tahayba Madaxweyne Siilaanyo isaga ayaa weli kursiga ku fadhiya iyadoo 4 maalmood la soo dhaafay 26-kii Juun oo ahayd maalintii ay sharci ahaan doorashadu qabsoomi lahayd. Waxa hadda dhegaha loo taagayaa in sida Madaxweyne-Xigeenku sheegay ay xukuumadda iyo xisbul-xaakimku ku qanciyaan Golaha Guurtida go’aankii ay saddexda xisbi wada qaateen 27-kii May.

Bandhige@gmail.com