Meelaha ay Iska shabbahaan Booqashadii Meles 2007 iyo Abiy 2025 ee Muqdisho. W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Raysal Wasaarihii hore ee Itoobiya Males Zenawi ayaa booqasho ku tagay Muqdisho 26.5.2007-dii. Waa xilligii ay ciidamada Itoobiya Muqdisho kula dagaalamayeen ciidamadii Maxkamaha Islaamiga. Meles markii oo madaarka ka soo degay waxa soo dhaweeyey Raysal Wasaarihii Soomaaliya ee wakhtigaasi Cali Maxamed Geeddi, waana xukuumaddii Cabdilaahi Yuusuf.
Wax yar ka dib waxa hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Aadan Cadde, si loo maqashiiyo inay goob dagaal tahay. Waxa markiiba ammaankiisa la wareegay ciidamadii Itoobiya ee Muqdisho ka dagaalamayey. Saacado kooban ka dib wuxuu ku noqday Adiis. Wargayskii The Sub-Saharan Informer ayaa madaarka Adiis ku weydiiyey Meles weerarka hoobiyeyaasha ee lagu soo qaaday. Wuxuu ku jawaabay ” Dadku Bidaartayda way ka sheekayn karaan, laakiin ma taaban karaan.” Wuxuu maldahay in aan waxba la yeelin.
= Saaka 27.2.2025 ayuu Raysal Wasaare Abiy ka soo degay Muqdisho. Isna sidii Meles oo kale ayaa hoobiyeyaal lagu garaacay Madaarka Aadan Cadde. Taasi oo muujinaysa in 18 sanno ka hor aanu weli ammaan ka jirin Muqdisho. Saaçado kooban ayuu isna joogay Muqdisho, waanu ka tegay.
Like

Comment
Send