Meydadka Shan suxufi oo laga helay dalka Libya

Meydadka ilaa shan saxafi oo ka shaqeynayay Telefishan ayaa laga helay dalka Libya kadib mudo sideed bilood oo kasoo wareegtay tan iyo markii la afduubtay.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda kumeelgaarka ee Libya ayaa sheegay in meydadka ay ka heleen meel ku dhow magaalada Al-bayda oo iyadana ku dhow bartii laga afduubtay.

Shanta saxafi ayaa la afduubtay bishii August ee sanadkii hore xilli ay socdaal shaqo ku marayeen gobolo ka tirsan dalkaas oo ay ka taliyaan kooxaha xagjirka.

Sarkaal oo la yiraahdo Faraj al-Barassi ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in wariyeyaasha ay dileen kooxda Daacish oo awood kusii yeelanaysa Libya.

Dalka Libya ayaa waxaa ka taagan qalalaaso siyaasadeed iyadoo ay isku haystaan maleeshiyad damacooda yahay in ay awooda wadanka la wareegaan iyo kuwa xiriir la leh kooxaha xagjirka sida ISIS.