Midabadda Garamaanta Ayuunbey ku kala Duwanaayeen,Allah Ha u Naxariisto Shiine Karaciin.

 

Midabadda Garamaanta Ayuunbey ku kala Duwanaayeen,Allah Ha u Naxariisto Shiine Karaciin.

Allah ha u naxariiste waxa Maanta Geeriyoodeyย  Mid ka mid ah Ciyaar-yahanadii ugu waaweyn ee Somaliland Soomara (Shiine Karaciin).

Ciyaar-yahanadii 90naadkii Waxa ay ahayeen lod dahabi ah oo marna aan dib u soo noqon doonin,Wakhtigaasi dalka oo aan horumar badan laheyn ayaanu ku heysaney ciyaaro,wareegyo iyo koobab kubbaddeed oo si habsami leh dhallinyartu wakhtigooda ugu lumin jireen.Garaamaan badan oo kala midab ah,tiro badan oo Ciyaar-tooyo ah iyo Ciyaaro badan oo socdey waa lagu kala duwana,hase ahaate waxa laga mideysnaa Ciyaarida Kubbada cagta iyo in Dhammaan si isku mid ah loo Jeclaa Ciyaarta kubbada cagta iyo Ciyaartooyadii Wakhtigaasi.

Kubbadu waa Xirfad ka mid ah waxyaabaha maanta dunnida loogu jecel yahay looguna hadal heynta badan yahay,waa Ciyaar Shucuur,taageero,iyo xamaasad fog leh oo dad badan ku mideysey taageerida dal,koox,qof iyo ciyaartooyo badan oo kala duwan. Waa hubaal Sannadihii ugu danbeeyey bahda kubbada cagta somaliland ay ka baxeen ciyaar-yahano badan oo taariikh ku leh xirfadaasi oo Allah innaga Jeclaadey.sidaasi si la mid ah ayaa ciyaar-yahano badan oo kale oo dunnida muslimka ahiba ay adduunka u macasalameeyeen wakhtiyo dhow,Dhammaantoodna Allah ha u wada naxariisto.

Middabada badan ee garamaanta hadda kooxaha caasimadu ay ku ciyaaraan maaha kuwo la wada xassuusan karo,waxaananse la ilaaweyn direysyadii qariibka ku ahaa dalka ee 8 ama 10 kii kooxood ee 90naadkii caasimadda indhaha u ahaa ay ku ciyaari jireen oo aan qaarkood arkaayo isaga oo marxuum Shiine karaciin xidhan yahay sawirradiisa waayihii ciyaarihiisa.

Waxaan ka mid ahaa Dhallinyartii ku bar-baartey Caasimadda hargeisa intii dalka dib loogu soo noqdey,waxaanan ku barbaarey hargeisa oo horumar ka sameyneysa dhanka ciyaaraha gaar ahaan kubbada cagta,waxan ka mid ahaan jirey dhallinyartii Garoomadii xawaadle,tareedhiska,gol-jano,hargeisa stadium iyo dhalintaba ku daawan jirtey Raggii waayadaasi oo uu shiine ka mid ahaan Jirey.Dadkii barigaasi DNA-dooda ayaa kubbada cagta laga helaayey,Waxaana taariikhda ugu jirta koobabkii quruxda badna ee ay qaadeen amma daawaashadii taageerayaashii kooxahooda duhurka garoonka i sii camiri jirey.

inkasta oo aanan 98ka wixii ka danbeeyey kubbad la sheegi karro ciyaarin oo aan kabaheyga meel isaga tiiriyey haddana in aan taageero ahaa daawadey ciyaarihii gobollada somaliland ee ugu horreeyey ayaa ka mid ah farxadeyda iyo xasuusteydaba.Dhinacyada aanu garoonka ka fadhino waanu ku kala duwaneyn,garamaanta aanu kala xidhanahayna waanu ku kala duwaneyn,lkn dhammaantayo jaceylka kubbada cagta iyo xiisaha kubbada cagta ayaanu ka mideysneyn.

Maalmahaasi Tvyada ciyaaraha laga daawado ee guryaha yaalla ayaa nagu yaraa,Meelaha ciyaaraha laga daawado ee loo tago ayaa sidoo kalena koobna,koobabka adduunka ee lala socon karo ayaana maqal iyo sheeko nagu ahaa, worldcup94 ayaa dhalinta hargeisa ugu badan oo ay soo gaadheen oo ay ka sheekeeyaan.ย  Dabayaqadda toddobaadka ayaana nooย  ahaa maalmo ciyaaro iyo wareegyo socda lagu camiri jirey.inaad hesho meel aad ka daawato oo aad istaagto ayaa garoomada qaarkood nagu aheyd cidhiidhigaย  saxmada taagerayaasha awgeed,meelaha shaashadaha lehna in aad aragto ciyaarta dhalada tvga ka socota ayaaba adkeyd badnida dadka meesha ku sugan awgeed,waxaana dhici jirteyba in marar badan neef qabad nagu dhaco.

NPP iyo garamaantii Marna cadaanka ahaa marna Casaanka ahaa Ayaan u ahaa Tageero aan la qiyaasi karin xamasaadiisa.Dharka quruxda badan ee Ciyaaraha kama danbeysta,ee Kooxihii herer star,Sooyaal,Dahabshiil,NDC iyo Npp marna ma illaabeyno.Ma illaawi doono in aanu kolba koox aanu rabno in ay koobka ka hadho mid kale u soo taageeri jirney,mana ilaawi doono in aan la qarin karin guulihii iyo horumarkii ciyaareed ee koox kasta iyo ciyaar-yahan kasta iskii/iskeed u laheyd.

ugu Danbeyn kala duwanaanshahaasi ka dib waxa noo farxad aheyd in ciyaar-yahno badan ay marki dambe kooxihii gobollada metalaayey ku midoobeen gaar ahaan Maroodi jeh,kuwo badana ay hadda yihiin mushiinada dhaqaajiya maamulada kooxaha iyo wasaarrada ciyaaraha somaliland.Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo abdirahman Jama Rooble(Shiine Karaciin) oo aan sacab lagu qarin karin dedaalkiisii iyo wixii uu uga tagey kubadda cagta somaliland.Abdirahman Allah ha u Naxariiiste haddi aan si kale ugu yeedhno wuxu ahaa GOAL.

Abdifataah M.Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.com

 

 

ย