Midowga Yurub dhaaqaale ku bixinaysa dib celinta tahriibayaasha

Midowga Yurub oo doonaya in ay xakameeyaan tahriibayaasha ka tagaya Afrika ayaa waxa maanta shir ugu furmayaa iyago waddamo Afrikaan aha jasiiradda Malta, kaas oo ka wada hadlayaan sidii loo yarayn lahaa dadka ka tahriibaya Afrika.

Midowga Yurub ayaa balan qaaday dhaqaale gaadhay 1.8 bilyan oo Yuuro ah oo ku maalgelinayaan Afrika, si loo yareeyo qulqulka muhaajiriinta Afrikaanka ah.

Sannadkan ayaa waxa gaadhay Yurub tahriibayaal lagu qiyaaso 150 kun oo qof oo Afrikaan ah, inkastoo indhaha lagu hayo qulqulay qaxoontiga Suuriya oo Yurub wada gaadhay.

Yurub ayaa waxay la taacaalaysaa maareynta muhaajiriinta ku soo qulqulaya.

bandhige@gmail.com