Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Md.Cismaan Jaamac Aadan oo ay wehelinayeen Agaasimaha Guud ee WW&S Md.Axmed Abokor Maxamed iyo Agaasimaha Guud ee Tacliibta Sare Md. Ahmed Muuse Muruud iyo safiirka Midowga Yurub ee somaliland iyo soomaaliya Md.Nicolas Beanga ayaa xadhiga ka jaray munaasibad loo sameeyey 80 dugsi oo isugu jira 10 dugsi oo cusub iyo fasalo lagu kordhiyey dugsiyo kala duwan oo laga hirgeliyey guud ahaan gobolada iyo degmooyinka dalka.
Munaasibadan oo lagu qabtay degmada Abdaal ee ka tirsan gobolka saaxil ayaa sidoo kale waxa ka soo qaybgalay Badhasaabka Gobolka Saaxil, maayirka magaalada Berbera, maayirka degmada Abdaal, madaxdhaqameed iyo masuuliyiin kale.