“Midowga Yurub waxay dhimeen shaqaalihii, waxayna xafiiska u rarayaan meel kale si ay kharashka u yareeyaan” Wasiir Maxamed Biixi

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in inta uu og yahay aan la xidhin xafiiskii Midowga Yurub hase ahaatee loo rarayo meel kale (oo isla Hargeysa ah) isla markaana la dhimayo shaqaalaha si kharashka xafiiskani ku shaqeeyo hoos loogu dhigo xaalad dhaqaale la’aaneed awgeed, taas oo macnaheedu yahay in uu xafiisku sii shaqayn doono tamartiisu inta ay doontaba ha le’ekaatee.

“Weli warqad rasmi ah nalooma soo dirin laakiin waxay noo sheegeen in xafiiska meel kale loo rarayo shaqaalahana la dhimayo si kharashka loo yareeyo.”

Wasiirku wuxu sheegay in xukuumadda Somaliland aanay wada-xaajood la bilaabi karayn Midowga Yurub ilaa ay ka helaan warqad rasmi ah oo muujinaysa nooca uu yahay isbeddelka Midowga Yurub ay ku samaynayaan xafiiskood.

Wasiir Biixi wuxu sheegay in ay dedaal gelin doonaan sidii uu xafiiskani u sii jiri lahaa.

Xafiiska Midowga Yurub ee ku yaalla Hargeysa ayaa sidiisaba ah xafiis ay shaqaalihiisu aad u kooban yihiin. Waxana ka hawl-gala dhawr qof oo Soomaali iyo ajaanib ah kuwaas oo ay shaqadoodu tahay isku-duwidda iyo ka-war haynta mashaariicda tirada badan ee ay Midowga Yurub Somaliland ka wadaan iyo sidoo kale ka war-bixinta sida ay kolba xaaladda siyaasadeed ee Somaliland tahay. Hase ahaatee xafiiskani maaha mid maamula ama isagu gacantiisa ku fuliya mashaariic.

Muddooyinkii u dambeeyey wuxu muran xooggani ka dhaxeeyey xukuumadda Somaliland iyo Midowga Yurub kaas oo ka dhashay qisaastii ay Somaliland ku fulisay 6 nin oo dil ku xukunnaa iyo doorashooyinka dib u dhacay ee sababay in Golaha Guurtida Somaliland sameeyaan muddo-kordhin ku siman 21 bilood.

Sidoo kale, warar hoose oo aanu ka helay ilo lagu kalsoonaan karo ayaa tibaaxaya in ay xukuumadda Somaliland dhawaan cabasho ka gudbisay madaxa Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo Somaliland iyadoo ku eedaysay in uu ku dhex milmay siyaasadda Somaliland ee gudaha isla markaana u xagliyey dhinaca mucaaridka.

Waxa loo badinayaa in soo-koobidda Midowga Yurub ay soo koobayso xafiiskeeda ay xidhiidh la leedahay arrimahan aan soo sheegnay.

Halkan kala soco hadba wixii ka soo kordha arrinkan.

Bandhige@gmail.com