Midowga Yurub waxay Google dul dhigeen $5 bilyan oo takhsiir ah, waa ganaaxii ugu badnaa ee shirkad la dul dhigo taariikhda Yurub

Midowga Yurub ayaa shirkadda cimlaaqa ah ee Google ku takhriiray 5 bilyan oo doollar. Waa ganaaxii ugu badnaa taariikhda Midowga Yurub ee la dul dhigo shirkad gaar loo leeyahay.

Midowga Yurub ayaa sababta ku sheegay kadib markii shirkadda Google ay ku qancisay shirkadaha sameeya moobayllada lagu isticmaalo Android-ka in ay iyada ahmiyad gaar ah siiyaan isla markaana ku sii borograam-gareeyaan mishiinka wax baadi gooba ee Google iyo aalladda internetka laga galo ee Google Chrome.

Sidoo kale Midoga Yurub waxay Google ku amreen in ay falkaa khiyaamada ah kaga baxdo muddo 90 maalmood ah.

Go’aankani wuxu dhacay goor dhawayd oo maanta ah ilaa haddana kama ay hadal shirkadda Google, walina lama oga in ay abiil ka qaadan doonaan iyo in ay sidiisaa ku liqi doonaa.

Waxa muddo soo jiitamayey muran u dhaxeeyey Google iyo Midowga Yurub oo dhinacyo kala duwan ah iyadoo mararka qaarna lagu eedeeyey shirkaddan iyo shiriikado kale oo iyaguna maraykan ah in ay ku xad-gudbaan sirta dadweynaha.

Il-wareed: Aljasiira