Milicsiga khudbaddii Madaxweyne Siilaanyo shan sanno ka hor maalintii uu xilka la wareegay

Doraad waxa ku ekaa muddo-xileedkii Madaxweynaha ee ku salaysnaa doorashada oo ka soo bilaabantay 27 July 2010. Waxan halkan idiinku soo gudbinaynaa khudbaddii uu madaxweyne Siilaanyo maalintaas jeediyey si aad u milicsato wixii uu Madaxweynuhu maalintaas niyadda ku hayey iyo waxa maanta jira in ay isku dhaw yihiin iyo in ay kala durugsan yihiin.

Khudbaddiisa Madaxweynuhu wuxu maalintaa ku bilaabay:

Walaalayaal illaahay baa mahad leh. Waxa hubaal ah in aynu qaran ahaan guul weyn gaadhnay. Waxa hubaal ah in guushaasi qayb ka tahay nolosheena ummadnimo iyo sooyaalkeena taariikheed. Waxaynu guusha ku gaadhnay innaga oo isku duuban oo qaran midaysan ah sidaa awgeedna waa libin dalkeen u soo hoyatay.

Shaki kuma jiro in aynu xaqiijinay rukun muhiim ah oo ka mid ay yoolkii aynu hiigsanaynay.  Waxa la inoo qirsan yahay maanta in aynu rumaynay hankeenii ummadnimo iyo haybaddeenii qaranimo.  Isu-samirkii iyo isu-dul-qaadashadii aynu kaga soo gudubnay duruufihii adkaa ee ina soo waajahay waxay daliil cad u yihiin bisaylka iyo qaangaadhnimada siyaasadeed ee aynu leenahay, taasoo aan ku tilmaami karo inay bud-dhig u tahay guushan aynu gaadhnay.

Waxaan si niyadsami leh shacbigayga ugu ammaanayaa iyagoo ku kala qaybsanaa taageeraddii axsaabta, haddana sidii geesinimada iyo garashada lahayd ee ay u wada ilaaliyeen danta guud iyagoo isku duuban. Haatanna waxaan marti idiinka ahay in aynu dhayno boogahennii hore, xurgufihii iyo xanafihii doorashooyinkana aynu xalay-dhalay ka noqono.

Walaalayaal waxaan la dafiri karin inay Somaliland u oomanayd isbeddel, isbeddelkuna kama yimaaddo keliya xagga sare ee wuxuu ka yimaaddaa min qof, qoys ilaa qaran.  Maantana waxaynu u taaganahay in isbeddelkaas rajadii laga qabay aan rumayno innaga oo isku duuban. Anigana maanta waxa iga go’an oo aan guntiga u xidhay rabitaankiina runta ah la’aantiina suurtogal iima aha.

Haa…waxaan ku kalsoonahay in aynu ka dhabayn doono rajada ay shacbigeenu isbeddelkan ka naawilayaan. Walaalayaal gacmo wada jir bay wax ku gooyaan, sidaa darteed waxa lagama-maarmaan ah in aynu midawno oo aynu meel uga soo wada jeedsano hoggaaminta, horumarinta iyo dhismaha qarankan curdinka ah. Si aan hayaanka beelwaynta Somaliland uga tallaabiyo jidka dheer ee sugaya, waxa aan ku kalsoonahay in aad igu gacan siin doontaan gudashada xilka aad ii igmateen.

Duruufo ayaa maamulkayga cusub ku xeeran, laakiin walaalayaal maansha alla meel xun ma joogno. Waayo waxaynu nahay qaran madax banaan oo nabdoon, isla markaana leh maamul iyo kala dambayn.

Hase yeeshee xukuumaddan aan gadhwadeenka ka ahay ee aan wali la gardaadin waxa ku hor goglan dhibaatooyin aan tiro iyo xdadi lahayn, kuwaas oo ay lafdhabar u yihiin dhaqaale-xumo, maamul-xumo iyo nabadgelyo-xumo meelaha qaar ka jirta.

Wax adduun ah oo aanu qasnaddiisa ugu nimi ma jirto. Way madhan tahay. Waxa taa ka sii daran waxa lagu leeyahay dayn farabadan iyadoo aan muddana la bixin gunnooyinkii iyo mushaharooyinkii shaqaalaha. Culaysyadaa dhaqaale waa kuwo dabri kara ama labadiblayn kara in dhakhso loo bilaabo meel-marinta ballanqaadyadii barnaamijkayaga ku xusnaa.

Si kastaba ha ahaatee dulucda iyo abbaarta xaaladdeenu waxay salka ku haysaa murti Soomaaliyeed oo tidhaahda “Ninkii arrinkeena wax kala hadhaw qodhaa iyo xeradaa jabtay.” Waxaa naga go’an aniga iyo xukuumaddaydaba in aanu xaalad kasta ku waajahno dedaal, daacadnimo, isku-duubni iyo dulqaad fara badan, si aynu u xaqiijino yoolka iyo hadafka aynu hillaadinayno.

Ammaanka dalkeena Somaliland gaar ahaan Buuhoodle iyo deegaano ka mid ah Sool waxa ka socda shaqaaqooyin gacan-ka-hadal ah oo ay iskaga soo horjeedaan Ciidamada Qaranka Somaliland iyo maleeshiyooyin ka tirsan deegannadaas, kuwaas oo haddii aan halkaa lagu demin abuuri kara degaansho la’aan, taas oo aan cidna dani ugu jirin. Marnaba xal uma arko xabbad iyo dagaal, sidaa awgeed waxaan ugu baaqayaa in ay xabadda joojiyaan, sidoo kale garaaddada, cuqaasha, siyaasiyiinta iyo waxgaradka deegaannadan shaqaaqadu ka jirto ee hadda ka baxsan xayndaabka maamulka Somaliland waxaan ugu baaqayaa uguna yeedhayaa gogol nabadeed iyo wada-hadal waxaana iga go’an in aan si mug leh u galo tabashooyinka siyaasadeed ee jira.

Waxaanu xoogga saari doonnaa adeegyada bulshada annaga oo ka duulayna barnaamijkayagii sida horumarinta caafimaadka, waxbarashada, biyaha, miyiga, ka-faa’iidaysiga khayraadka badda, dib-u-dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, daryeelka mujaahidiinta, arrimaha haweenka, bulshada la haybsooco iyo la dagaalanka saboolnimada.

Waxaan wax ka qaban doonaa daryeelka shaqaalaha dawladda iyo ciidammada dalka anaga oo u samayn doonna derajooyin sidii aanu hore u ballan qaadnay. Waxqabadka xukuumaddaydu ku tallaabsanayso 100-ka maalmood iyo 6-da bilood ee hore, amase guud ahaanba sida mudnaanta loo kala siinayo waxyaalihii aanu ballanqaadnay, waxa ku ansixin doona fadhiyadooda u horreeya golaha wasiirada cusub.

Walaalayaal ilaalinta xuquuqal-insaanka iyo xoruyatal-qawlku waa mabaadii’da aasaasiga ah ee aynu qarankeena ku dhisayno, ku-dhaqanka dastuurka iyo qawaaniinta dalku waxay xuddun u noqon doonaan xaqiijinta nidaam xaqsoor leh iyo abuurista jawi wada-shaqayneed oo u dhexeeya hay’adaha dawliga ah. Arrimaha Dibada xukuumadda cusubi waxay ka hawlgeli doontaa sidii ay Somaliland ugu xidhmi lahayd beesha caalamka dhinacyaa dhaqaalaha, siyaasadda iyo nabadgelyada. Waxaanu xoogga saari doonaa sidii aanu dunida ula yeelan lahayn iskaashi buuxa, iyada oo mar walba laga duulayo maslaxada shacabka Somaliland.

Waxaanu xoojin doonaa baadi-goobka aqoonsi buuxa oo ay Somaliland ka hesho caalamka, waxaanu dardargelin doonaa xidhiidhka ay la leenahay wadamada Africa, Europe iyo America. Dhianca kale waxaanu unki doonaa saaxiibo cusub oo ay Somaliland yeelato, kuwaas oo ay ka mid yihiin wadamada carabta iyo dalal ku yaala qaarada Eeshiya khaasatan China. Maamulkaygu waxa uu sii xoojin doonaa, isla markaan dhidibada u adkaynayaa xidhiidhka saaxiibtinimo, ganacsi iyo nabadgelyo ee aynu la wadaagno dalalka aynu deriska nahay sida Ethiopia, Djibouti iyo Kenya.

Xukuumaddaydu waxay dawladaha jaarka iyo caalamkaba kala shaqayn doontaa ilaalinta nabdgelyada gobolka iyo sidii looga hortegi lahaa kooxaha xasilooni-darrada iyo budhcad-baddeednimada ka wada mandaqadda Geeska Afrika. Aad baanu uga xunahay dhiigga ku daadanaya Soomaaliya iyo shacbiga maalin walba macno-darrada ku dhimanaya. Sidaa awgeed kooxaha ku dagaalamaya waxaanu ugu baaqaynaa inay dadkooda u tudhaan, xabaddana wada-hadal ku beddelaan.

Dhaqaalaha sidii ay ballanteenu ahayd hantida qaranku laga bilaabo maanta waxay noqonaysaa mid loogu adeego ummadda, qaranka iyo horumarintiisa oo qudha, mana noqon doonto mid ku dhacda jeebado gaar ah. Waxan si buuxda u hawlgeli doonaa hay’adaha u xilsaaran ilaalinta hantida qaranka, sida hanti-dhawrka iyo guddida ilaalinta anshax-wanaagga dawladnimo, kuwaas oo hawshooda si buuxda ugu madaxbanaan. Waxa agtayda iyo xubnaha xukuumaddaydaba xaaraan ka ah shandad lacag lagu sido oo lala soo waydaarto qasnadda dawladda.

Waxaan dhiiri-gelin doonaa maal-geshiga shisheeye, annaga oo u abuurayna jawi iyo qaab ay ku soo hirtaan. Waxaan taabo-gelin doonaa hannaanka dhaqaalaha furfuran iyo suuqa xorta ah si waafaqsan xeerarka dalka. Caddaaladdu waa aasaaska iyo horumarka dalka, waanu ballan qaadaynaa in aanu hagaajino caddaaladda annaga oo u marayna sifo qaanuunka waafaqsan. Waxaan baabiinayaa oo aan waxba-kama-jiraan ka soo qaadi doonaa jiritaankii iyo awooddii guddiyada nabadgelyada ee sida sharci-darrada ah u fulin jiray xukummada ciqaabta ah.

Dhammaan muwaadiniinta u xidhan waji siyaasadeed oo ee ay guddiyada nabadgelyadu xukuntay waan cafiyey, xoriyaddoodii ay xaqa u lahaayeena waan u soo celiyey, qoraal rasmiya oo aan arrintaa ku sharxayana waan u gudbin doonaa hay’adaha ay khusayso. Dhismaha xukuumaddayda waxa sal u ah siyaasad ku qotonta isbeddel dhab ah oo ka turjumaya baahida uu dalkeenu u qabo dawlad tayo leh oo ay aqootu hagayso.

Dhismahani wuxuu awoodda siinayaa seeska dawladnimo ee ku fadhiya xirfadda iyo aqoonta uu dalkeenu u baahan yahay. Waxaan maanta soo dhisay gole xukuumadeed ka kooban 26 wasiir iyo wasiir-ku-xigeeno, taasoo salka ku haysa ballanqaadkii barnaamijka Xisbiga KULMIYE.

Xukuumaddani waxay noqonaysaa xukuumaddii ugu tirade yarayd ee soo marta Somaliland, waxayna ka yartahay xukuumaddii xilka lagala wareegay 50%, xubnaha xukuumaddaydan waxaan ku soo xulay aqoon iyo karti, hal-abuur iyo hufnaan waxaan rumaysnahay inay ka dhabayn karaan dhaxalka wanaagsan ee aan mala-awaalayo ama aan maanka ku hayo inaan ummadan uga tago.

Waxaan rumaysnahay inaanay xukuumaddaydan ku dhamayn hal-doorkii Somaliland u baahnayd, waxaana hubaal ah inaan ka tagay halyeeyo badan oo qarankan abaal wayn ku leh, muddo badana aanu soo wada shaqaynay, kuwaas oo aanan marnaba ilaawi doonin qiimaha iyo qaayaha ay leeyihiin, iyagoo maantana aan ka rajaynayo inay iskay garab taagaan, gacmahana aanu sidii hore isu haysano.

Waxa dhab ah sida dhaqanku yahay inaan rag meel kuwada dhamaan, dawladnimaduna aanay ahayn intan oo qudha. Walaalayaal waxa muuqata in geedigu dheer yahay, anaga oo ku kalsoon inaynu wadajir kaga gudbi doono duruufaha calculus ee ina horyaala. Waxaan si xushmad leh uga codsanayaa shacbiga reer Somaliland muxaafid iyo mucaaridba inay gacan buuxda igu siiyaan sidii looga midho dhalin lahaa isbedelkan, iiguna soo duceeyaan in illaahay ii fududeeyo xilkan dumadayda saran.

Ugu dambayntii waxaan Komishan Qaranka Doorashooyinka iyo hawlwadeenadoodii la shaqaynayey ku bogaadinayaa hawshii baaxadda lahayd ee qarankan u soo qabteen. Sidoo kale waxaan ammaan u soo jeedinayaa axsaabta qaranka, golayaasha sharci-dejinta, beesha caalamka, saxaafada, culimada, madax-dhaqameedyada, haweenka, ardayda Jaamacadaha iyo Dhallinyaradii sida hagar la’aanta ah u soo shaqeeyey.

Allahayaw Somaliland bash bash iyo barwaaqo ka yeel. Beladana hareer mari. Allahayaw tubta toosan nagu hanuuni, tawfiiqdana na waafaji. Allahayaw boggeena iyo beerkeena burcad isu mari.

Golaha Wasiirrada
1. Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar – Wasiirka Arimaha Dibedda & Xidhiidhka Caalamiga Ah.

2. Dr. Maxamed Cabdi Gaboose • Waiirka Arimaha Gudaha.
3. Eng. Maxamed Xaashi Cilmi • Wasiirka Maaliyadda.

4. Dr. Sacad Cali Shire – Wasiirka Qorshaynta & Horumarinta.

5. Xuseen Axmed Caydiid • Wasiirka Hawlaha Guud & Gaadiidka

6. Samsam Cabdi Aadan • Wasiirka Waxbarashada &. Tacliinta Sare.

7. Dr. Xuseen Axmed Maxamed • Wasiirka Caafimaadka.

8. Axmed X. Cali Cadami • Wasiirka Gaashaandhiga

9. Cabdirisaaq Khaliif Axmed • Wasiirka Ganacsiga & Dalxiiska.

10. Dr. Axmed Xaaji Oday • Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Deegaanka & Horumarinta Reer Miyiga.

11. Cabdirisaaq Ibraahin maxamed • Wasiirka Boosaha & Isgaadhsiinta.

12. Prof. Ismaaciil Muumin Aar • Wasiirka Caddaalada & Garsoorka

13. Sh. Khaliil C/Laahi Axmed • Wasiirka Diinta & Awqaafta.

14. Ilhaan Maxamed Jaamac • Wasiirka Shaqada & Arimaha Bulshada.

15. Dr. Maxamed Yaasiin Xasan • Wasiirka Kaluumaysiga, Khayraadka Badda & Maamulka Dekedaha.

16. Dr. Xusseen Cabdi Ducaale • Wasiirka Macdanta, Biyaha & Tamarta.

17. Maxamed Xaashi Magan • Wasiirka Dhalinyarada, Ciyaaraha & Dhaqanka.

18. Prof. Faarax Cilmi Maxamed • Wasiirka Beeraha.

19. Maxamuud Xaashi Cabdi • Wasiirka Duulista & Hawada.

20. Cabdilaahi Jaamac Cismaan Geeljire • Wasiirka Warfaafinta.

Madaxweyne Siilaanyo wuxuu barnaamijkii xisbiga ku ballan-qaaday in uu samayn doono dawlad tiro yar oo tayo leh. Wuxu ku bilaabay gole wasiirro ah oo ka kooban 26 xubnood, waxyar kadin ayuu haddana dhawr jeer kordhiyey, ugu dambayntiina waxa lagu tilmaamaa in dawladdiisu ay tahay tii  ugu salka ballaadhnayd intii xukuumado soo martay Somaliland.

Bandhige@gmail.com