Mo Faarax ayaa mar kale kaalinta afaraad ka galay orodka 1500 mitir ee tartanka Diamond League

Orodyahanka caanka ee Mo Faarax ayaa markale kaalinta afaraad galay orodka 1500 mitir tartanka orodka Daimond League ee lagu qabtay Monaco.

Orodkan ayaa noqonaya kii labaad ee Mo Faarax ka qayb galo tan iyo markii ay soo baxeen warar been abuur ah oo sheegaya inuu tababarihiisa Alberto Salazar ku xad gudbay xeerka isticmaalka daawooyinka aan la ogolayn.

Orodkan 1500 waxa kaalinta koowaad galay Asbel Kiprop oo ah 26 jir u dhashay Kiiniya, waxaanu  noqday orodyahankii 5aad ee ugu dheereeyey ragga orda 1500 oo mitir inta taariikhda la ogyahay.

Mo Faarax ayaa sheegay in ciyaaraha dambe ee soo socda ee ka dhici doona Bijiin uu xooga saari doono orodka 10,000 mitir.

Mo Faarax ayaa ka mid orodyahan caanka ee sannidihii ugu dambeeyey hor-u-mar balaadhan ka sameeyey tartanka orodada.

bandhige@gmail.com