Mo Faarax oo ku guulaystay tartanka 10,000 mitir ciyaaraha ka socda Beijing

Ciyaaryahanka caanka ah ee Mo Faarax ayaa mar kale soo hooyay guul taariikhi ah isaga oo mar dhawayd ku guulaystay tartanka 10,000M (Toban kun oo mitir), kadib markii uu ka dheereeyey saddex nin oo Kiiniyaan ah oo daqiiqadihii u dambaysay hor ordayey ama barbar oradayey.

Mo Farax wuxu oradkan dheer ee 10-ka kiiloo-mitir ah ku soo gabogabeeyey 27 daqiiqo iyo 1 ilbidhiqsi.

Mo Faarax ayaa beryihii u dambeeyey guulo is-daba-joog ah ka soo hoynayey oradka isaga oo sannadkii 2012-kii ku guulaystay tartannada 5000M iyo 10000M ciyaarihii Olombikada.

Tartankan caawa waxa lagu abaal-mariyey billad dahab ah iyadoo la filayo in uu sidoo la filayo in uu ku guulaysto tartanka 5000M, taas oo haddii uu xaqiijiyo ka dhigi doonta ciyaaryahankii ugu guusha weynaa ee soo mara taariikhda Ingiriiska.

Xagaagani wuxu ahaa mid ku adag Mo Faarax kadib markii macallinkiisa lagu soo eedeeyey in uu isticmaalo daroogo, taas oo Mo Faarax iyo macallinkiisa Maraykanka ah ee la yidhaa Alberto Salazar ay labadooduba ganafka ku dhufteen.

Baadhitaan la sameeyey waxa la xaqiijiyey in aanu Mo Faarax wax dambi ah samayn wax khalad ahna loo raaci doonin.