Mowqifka musharaxa Madaxweynaha xisbiga Waddani, Ceebaha laaluush ee dul-hoganaya Golaha baarlamaanka

 

War-saxaafadeed uu soo saar Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, ahna musharaxa Maaxweyne ee xisbiga mucaarika ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa waxa uu soo saaray go’aanka uu ka taagan yahay Saldhiga Milatari ee Imaraadku ka doonayo Berbera kaasi oo uu ka soo horjeedo.

Sidoo kalena waxa uu Guddoomiyaha wuxuu xoosta ka xariiqay, baqdin weyn oo uu ka qabo baarlamaanka Somalilandoo saddex jeer muddo jirsaday, kaasi oo uu sheegay in beelo xukuumaddu u qaybisay iyo lacagto laaluush ah oo lagu kala fur-furayo xubnaha baarlamaanka si ay u ansixiyaan heshiiska lagu siinayo dawladda Imaraadka saldhig Milatari.

Guddoomiyaha Golaha wakiiladdu wuxu shicibka ugu baaqay in ay u soo gurmadaan baarlamaanka Somaliland.

Saluugan uu Guddoomiye Cirro ka muujiyey baarlamaanka ayaa waxa in badan saluug ka muujiyey dadweynaha Somaliland oo ku dhalliila in ay fadhiid yihiin.

War-saxaafadeedkaasi oo dhammaystiranina waxa uu u dhignaa sida tan: 

Farriintani Waxay Ku Wajahantahay Iyo Shacbi- Weynaha iyo Xildhibaanna Golayaasha Baarlamaanka Somaliland.

  • Maadaama oo Xisbigu hadlay isla markaasna caddeeyey mowqifkiisa ku wajahan arrinta saldhigga milatery ee Somaliland siisay dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
  • Maadaama oo ay Xildhibaanada Golaha Wakiillada ee ka soo jeedada Xisbiga WADDANI cadeeyeen mowqifkooda.

Anniga oo ah Musharaxa Xisbiga WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada JSL waxan halkan shacbiga Jamhuuriyada Somaliland meel kasta oo ay joogaan uga cadeynayaa in aan la mawqif ahay Xisbigeyga iyo Xildhibaanadeyda

SALDHIGGA MILIATARI BAAHI MA U QABNAA?

Jawaabtu waa Maya,

MUWAADIN KASTA HA ISWEYDIIYO SU’AASHAN AH “MAGAC, MAAMUUS, QARANIMO IYO ICTIRAAF MA INOOGA JIRAA?

Jawaabtu waa Maya.

Muwaaddin iyo Xildhibaanba waxad ogaataan in dawladda saldhigga milateri la siinayaa ay Somaliland u aqoonsan tahay qayb ka tirsan Somalia.

QARANKA SOMALILAND MANFAC U DHIGMAA MA UGU JIRAA?

Jawaabtu waa Maya,

Sida lagu caddeeyey codsigii ugu horeeyey ee ka soo baxay dawladda UAE waxa ku xusnaa 1.2 million Dollar oo kiro ah sannadkii oo u dhiganta bishiiba boqolkun ($100, 000) oo Dollar. Markii taasi dhegaha shacbiga soo gaadhay, isla markaana ay ka biyo-diideen, xukuumaddu waxay si ay arrintaas u qariso oo daah u saarto tidhi “Waxa la innoogu beddeleyaa mashaariic

Madaarka Berebera waxa hore u isticmaalay dawladaha Ruushka iyo Maraykanka, Ruushku waxa uu Somalia u dhisay Ciidanka Afrikada madow ugu xoogga weynaa.

Maraykankuna 1981 waxa uu Somalia kula  galay heshiis isticmaal madaarka Berbera lacag dhan $100 million Dollar sannadkiiba, lacagtaas oo maanta u dhiganta 1 billion oo dollar, taas macneheedu waxa weeye in ay bishiiba u dhigmayso $100 milyan oo dollar

Muwaadin iyo Mudanayaasha Golayaasha, waxaynu dawladdii Siyaad Barre kula daggaallanay sidii aynu bulshadeenna ugu heli lahayn wax ka badan waxii ay ku haysteen dawladdaas ee marnaba ma ahayn in aynu hoos u soconno. 

MAXAA DHAXAL AH OO INNOOGU JIRA?

Jawaabtu waa Waxba.

25 sanadood baynu qayb dhulkeenna ka mid ah bilaash u siineynaa dal kale. Caruurteenna waxaynu uga tegeynaa dhaxal xun. 25ka sanadood dhulkaas aynu bixinnay xitaa gudiisa ma gelin karo, Shuruucda Somalilandna kama shaqeynayso.

Muwaadin iyo Mudanayaasha Golayaasha, heshiiskani saameyn iyo colaad aynaan qayb ka ahayn ayuu inoo keenayaa, Marka dayuuradaha UAE ay Yemen oo 90km innoo jirta ka wareeraan, waxan shaki ku jirin in  dalkeenu uu qayb ka noqon doono colaado iyo dagaallo aynaan shuqul ku lahayn.

Muwaadin iyo Mudanayaasha Golayaasha, iyada oo ay xusid mudan tahay in markii horeba ay maraakiibta ka shaqeysa isu-socodka isla markaana Somaliland u keenta quutal-daruurigu ay ku iman jireen caymis la’aan, haddana colaadda ka dhalata saldhiggan milateri waxay si toos ah caqabad ugu noqoneysaa imaatinka maraakiibtaas, arrintaas oo si adag u wiiqi doonta nolosha aasaasiga ah ee bulshada Somaliland.

MA JIRAA HESHIIS DHEX MARAY SOMALILAND IYO UAE?

Sida ay salaasadii (07th February,2016) Madaxtooyada JSL u sheegtay shir-gudoonka labada Gole, waxay sheegtay in ay golayaasha hor-keenayso heshiis ay la gaashay dalka UAE oo ku saabsan saldhig militari oo Berbera laga siin doono.

Hase yeeshee, shalay Jimcihii (10th February, 2016) waxa Wasiirka  Wasaaradda Arrimaha Dibedda JSL caddeeyey in aanu jirin wax heshiis ah oo ay kala saxeexdeen Somaliland iyo UAE.

Haddaba, suaashu muhiimka ahi waxay tahay Maxaa goleyaasha Beri la hor keenayaa?

Bal adba? Eesh qiyaasak.

FADHIGA WADA-JIRKA AH EE LABADA GOLE?

Arrimaha sharcigu jideeyey ee labada gole ka wada fadhiisanyaan eeg qodobka 38aad farqadda 6aad  kuma jirto heshiis xukuumadu la gashay dal kale. Arrintaas waxa dastuurku siiyey Golaha Wakiilada, sida ku cad qodobkaka 53aad farqadda 3aad

Sidaa awgeed mudanayaal fadhigan labada gole ee berri waa mid  khilaafsan procedureka ay ku shaqeeyaan labada gole ee waxa la tix-geliyey oo keli ah codsiga Madaxweynaha

Sharcigu ma guuro ee dadka ayaa ka guura. Waxay u eg tahay in aan indho isku qabasho hebed u noqonay.

FARIINTAYDA KU WAJAHAN XILDHIBAANADA

Mudanyaal, waxad ogaataan in xilku manta uu idinka idin saran yahay. Waxaana idinku waajib ah in aad xukuumadda toosisaan, iyo in aad dareenka shacbiga ka wakiil noqotaan. Maanta ama magac baydun qaadan, ama naaneys xun baydin qaadan. CALOOL waa leedihiin, CAQLINA WAAD leedihiin.  Maanta Caqliga doorto.

KALA XADEYNTA AWOODAHA WAAXYAHA QARANKA

Baarlamaankeeni maanta wuxuu u nuglaaday awood weyn oo xukuumaaddu saartay. Maanta Xukuumadeennu baarlamaankii reer reer iyo qof qof bay madaxtooyada ugu yeedhay, si loogu ansixiyo heshiis aan jirin.

Baarlamaanku waxa uu u baahan yahay gurmadka shacbigiisa.  Markaa Shacbigow waxannu idinka war-gelinayaa in aad Baarlamaanka u soo gurmataan.

Halkan hoose ka daawo  muuqaalka jirkan jaraa’id:

bandhige@gmail.com