“Mucaaridku been-abuurka ha joojiyaan, ha samaystaan barnaamij siyaasadeed” Afhayeen Dhuxul

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa u waramay qaar ka mid ah warbaahinta dalka waxaanu faahfaahin ka bixiyey warar uu ku tilmaamay been-abuur oo ay baryahanba isla dhex marayeen asxaabta mucaaridku, waxanu sheegay in hayโ€™do caalami ah oo dalka ka baxay aanay jirin.

Afhayeen Dhuxul wuxu asxaabta mucaaridka ku eedeeyey in ay ka xun yihiin hayโ€™adaha samo-falka ee xafiisyadooda ka furanaya Koonfurta Hargeysa, gaar ahaan xaafadda Masalaha.

โ€œMidowga Yurub iyo Qaramada Midoobayba muddo dheer ayay dalka wax-taraan xasilloonina way ku deggan yihiin. Ma jiraan hayโ€™ado dalka ka baxay.โ€

โ€œHaddii Dumubluq la tago, Somaliland lagama bixinโ€ ayuu yidhi Dhuxul.

Af-hayeen Dhuxul wuxu xisbiyada mucaaridka u soo jeediyey in aanay wakhti ku lumin arrimaha been-abuurka ah balse ay samaystaan barnaamij siyaasadeed oo ay dadka ku soo jiitaan kulana tartamaan.

Afhayeen Dhuxul wuxu ku faanay in xukuumadda hadda jirtaa ay u hagar baxday dalka oo ay fulisay mashaariic wax weyn ka qabtay adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha sida waddooyinka.

Afhayeenku wuxu ka jawaabayey eedaymo ay maalmihii u dambeeyey mucaaridku soo jeediyeen iyagoo labada xisbi-mucaarid tibaaxay in xafiiskii Midowga Yurub la xidhay sabab la xidhiidha niyadjabka ay bulshada caalamku ka qaadeen doorashooyinka Somaliland ee dib u dhacay.

Jamaal Cali Xuseen, musharaxa Madaxweynaha UCID, ayaa isaguna barta Facebook-giisa ku daabacay sawir diyaarad dad lagu daadguraynayo, waxanu ku hoos qoray โ€œshaqaalihii hayโ€™adaha caalamiga ah oo dalka ka baxayaโ€ taas oo xidhiidho uu Bandhige la sameeyey xafiisyada iyo shakhsiyaadka arrimahan u dhuun-daloola ay u sheegeen in aanay ka war hayn shaqaale dalka ka baxay.

Bandhige@gmail.com