Mudaharaadyo lagu diidan yahay aqoonsiga Maraykanka ee Jerusalem ayaa meelo badan oo dunida ah ka dhacay Jimcihii kadib

Wali waxa xawli ku  socda diidmada ka imanaysa muslimiinta ee la xidhiidha aqoonsigii uu  Madaxweyne Trump ku sheegay Quddus in ay tahay caasimadda Israa’iil amarna ku bixiyey in safaaradda Maraykanka ee Israa’iil loo raro Quddus.

Salaadii Jimcaha ee maanta kadib mudaharaadyada ayaa is qabsaday dhammaan dhulka ay Falastiiniyiintu ku nool yihiin iyadoo ay jireen isku dhacyo u dhaxeeyey shacabka Falastiin iyo booliska Israa’iil.

Inta la og yahay ilaa 12 qof ayaa ku dhaawacmay mudaharaadyadaas.

Dhanka kale, meelo badan oo dunida ah ayaa mudaharaadyadaasi ka dhaceen oo ay ku jirto Tokyo oo ah magaalo-madaxda Japan.

Bandhige@gmail.com