Mudanayaasha golaha wakiillada JSL, ayaa maanta meel mariyay soojeedintii madaxweynaha JSL, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ee ku saabsanayd inay waajibkooda kagutaan isna waafajiyaan soojeedinta odayaasha dhaqanka iyo xeerarka doorashooyinka dalka.

Soojeedinta madaxweynaha ee maanta golaha la horgeeyay waxa ogalaaday 45 mudane, waxa ka aamusay 2 Mudane, cid diiday ma jirto, guddoomiyuhuna muu codayn sidaasi ayaanay ku ansaxday.

Ansixin kadib Guddoomiye Fartoon ayaa mudanayaasha ku wargeliyay in uu guddi gaara oo xildhibaano ah u saari doono ka shaqaynta soojeedinta odayaasha dhaqanka iyo xeerarka doorashooyinka si la isu waafajiyo.

Geesta kale Mudanayaasha golaha wakiilladda ayaa maanta loo qaybiyay warbixinta xisaab xidh sanadeedka 2022 kaas oo uu soo diyaariyay xafiiska hanti dhawaraha guud ee qaranka.

Hantidhowraha Guud ee Qaranka JSL Mudane Axmed Yuusuf Dirir, ayaa warbixin ka siiyay mudanayaasha xisaab xidh sannadeedka2022-ka, waxaanu tilmaamay meelihii uu dakhligu kasoo xerooday iyo meelihii uu kharashku baxay kuwaas oo isagu jira dakhliga dawlada dhexe iyo dawladaha hoose iyo sidoo kale hay’addaha madaxa banaan.