Mudane Madaxweyne, Ummaddu Waxay Kaa Sugaysaa Inaad Adigu La Hadasho, Oo Aad Mawqifkaaga Caddayso

Waxa mar keliya habeen hore saqdii dhexe lagu baraarugay war-murtiyeed ay dawladda Djibouti ka soo saartay shirkii dhex maray Somaliland iyo Soomaaliya oo ay ku jiraan qodobo aanay Somaliland, Soomaaliya iyo Djibouti oo shirka martigelisay midkoodna hore u sheegin in la isku afgartay. Warka ayaa lagu baahiyay bogga madaxtooyada Somaliland.

Qodobada war-murtiyeedkan oo u muuqda inay dhinaca Soomaaliya dan u yihiin ayaa waxa ka mid ah isu socodka Somaliland iyo Soomaaliya, marka laga reebo arrimaha siyaasadda, waxaana dhinacyada la ogolaaday ka mid ah dhaqanka, aqoonyahanada, ciyaaraha iyo ganacsiga.

Qodob kale oo xaasaasi ah ayaa isna ku jira oo ah in laba guddi oo ka kala socda labada dhinac ay isla eegi doonaan sidii si wada jir ah loogu maamuli lahaa hawada Somaliland. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Faratoon oo saxaafadda la hadlay shalay ayaa sheegay inuu qodobada maamulka hawadu yahay khalad madbici ah oo ay dawladda Djibouti sixi doonto.

Waxase wax lala yaabo ah in bogga wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland iyo midka madaxtooyadaba, lagu baahiyay qoraalka ay dawladda Djibouti soo saartay ee uu wasiir Faratoon ku tilmaamay khalad madbici ah.

Shalay barqadii oo uu Wasiirku hadlay, ilaa xalay cawayskii dambe ma jiro wax sixitaan ah oo ay dawladda Djibouti ku soo samaysay khaladka madbici ee uu wasiir Faratoon ku dooday.

Hadalka Wasiir Faratoon maaha mid u cuntamay oo ay dhagaysanayaan shacabka reer Somaliland intooda badani, sababtoo ah arrimahan uu wasiirku sharaxayaa maaha arrimo siyaasadeed ee waa arrimo masiiri ah, shacabkuna waxa ay masiirkooda u doorteen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Mudane Madaxweyne, waxa ugu horayn lagaaga baahanyahay inaad shacabkaaga u sharaxdo sababta loo qariyay war-murtiyeedkan saqda dhexe la soo saaray, waxa Madaxweyne lagaaga baahanyahay inaad umada u sharaxdo sababta keentay in hawada Somaliland oo keliya la wada maamulo oo dabadeed noqon karta in dheefta ka soo baxdana la wadaago.

Mudane Madaxweyne, maxaad ku bedelatay ee ay Somaliland weydaarsatay isu socodka Somaliland iyo Soomaaliya ee dhinacyada dhaqanka, aqoonyahanka iyo ciyaaraha.? Maxaa Somaliland faa’iido ugu jira.? Weliba waxa arrimahan lagu beegay xili uu Soomaaliya ka socdo abaabul doorasho oo la doonayo in metelaad looga sameeyo Somaliland. Waa xaajo cusub oo aan hore loogu sheegin dadka reer Somaliland.

Madaxweyne, wada hadalku waa daruuri, waana muhiim inay Somaliland iyo Soomaaliya wada hadlaan, laakiin waxa muhiim ah in dib loo xasuusto mawqifkii adkaa ee uu Madaxweynaha Soomaaliya ka qaatay wada hadalada Somaliland, maxaa sababay iyadoo ay dhawr bilood u hadheen in wada hadalku furmo?

Mudane Madaxweyne, maalintii aad ka soo laabatay Djibouti waad aragtay dareenkii ay shacabkaagu kugu soo dhaweeyeen.  Abaalgudkoodu waa inaad u waranto.

Si kastaba ha ahaate, Madaxweyne, shacabkaagu kaama sugayaan inaad wasiirkaaga khaarajiga u soo dirto oo uu isku dayo inuu dadka qanciyo, waxase ay sugayaan inaad adigu la hadasho oo aad mawqifkaaga cadayso. Maanta oo kale maaha Madaxweyne maalintii aad aamusi lahayd.

Xigasho: Geeska Afrika