Muddo-xileedkii Madaxweynaha oo maanta ku eg iyo Isbahaysiga Mucaaridka oo eedeeyey xukuumadda

Daahir Rayaale wuxu xilka ku wareejiyey Madaxweyne Siilaanyo 27-kii July 2010kii

Shan sanno oo buuxa ayaa laga joogaa maalintii dadweynaha Somaliland ay Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” u doorteen Madaxweynaha Somaliland, Madaxweyne-Ku-Xigeenna ay u doorteen Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylici.”

Doorashooyinkii oo xilligii loogu talo-galay qabsoomi waayey awgeed ayaa Golaha Guurtida Somaliland  11-kii May Madaxweyne Siilaanyo u kordhiyey 22 bilood oo ku eg bisha 4aad ee 2017 si aanu dalku u gelin marxalad maamul la’aan ah.

Hase ahaatee waxa go’aankaas ku gacan-saydhay xisbiyada mucaaridka taas oo dhalisay khilaaf ba’an oo siyaasi ah markii dambena keentay in 27-kii May ay saddexda xisbi heshiis ku kala saxeexdaan Qasriga Madaxtooyada kaas oo dhigaya in la soo gaabiyo muddadii ay Guurtidu kordhisay isla markaana doorashadu qabsoonto Diisambar 2016.

Laakiin Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa gaashaanka ku dhuftay heshiiska xisbiyada oo Madaxweyne-Xigeenkuna ku lahaa saxeex goobjoogenimo. Wuxu ku tilmaamay in uu yahay sharci-darro madaxweynuhuna aanu xaq u lahayn in uu saxeexo go’aan wax lagaga beddelayo heshiis ka soo baxay Golaha Guurtida.

Dhawaqan ka soo baxay Guurtidu wuxu ka cadhaysiiyey xisbiyada mucaaridka iyagoo muddooyinkii u dambeeyey Madaxweyne Siilaanyo ku cadaadinayey in uu saxeexo heshiiskii xisbiyadu gaadheen si uu meel-mar u noqdo.

Isbahaysiga mucaaridka oo ka kooban UCID, Waddani iyo Madasha Wada-tashiga ayaa Khamiistii ku shiray Hargeysa, waxayna ku hanjabeen in 26-ka Juun (maanta) wixii ka dambeeya aanay madaxweynenimo u aqoonsanayn Siilaanyo haddii aanu saxeexin heshiiskii xisbiyada iyo mucaaridka gaadheen 27-kii May.

“Heshiiskii saddexda xisbi wada saxeexdeen waxa ka baxday xukuumadda. Shacbiga Somaliland ha ogaadaan wixii ka yimaadda in masuuliyaddeeda ay xukuumaddu qaadayso.” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha UCID.

Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan-Cirro ayaa isaguna madasha ka sheegay in Isbahaysiga Mucaaridku ay talo qaran isugu iman doonaan Sabtida maadaama aanay xukuumaddu diyaar u ahayn in ay dalka doorasho ka qabato.

Musharaxa Madaxweynenimo ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo isaguna shirkaas ka hadlay ayaa sheegay in xukuumaddu ay ku tumatay sharcigii dalka isla markaana siyaasad-xumada xukuumaddu ay sababtay in dhaqaaluhu hoos u dhaco sixir-bararkuna kor u kaco. Jamaal wuxu xukuumadda ku dhaliilay cashuuro dadka laga qaado oo uu ku tilmaamay “xad-dhaaf.”

Xukuumaddu weli kama ay jawaabin dhalliilaha iyo hanjabaadaha ka soo yeedhaya mucaaridka, waxana loo dheg-taagayaa waxa ka soo bixi doona shirkan ay mucaaridku ku baaqeen in ay qabanayaan 27-ka Juun kaas oo ay ku macneeyeen in uu yahay wada-tashi qaran.

bandhige@gmail.com