“Muj. Xuseen Axmed Caydiid wuxuu marag iiga yahay in Muj. Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan-Cirro aanay ahayn laba la is barbar-dhigi karo, waayo……”- Afhayeenka Wasaaradda waxbarashada

 

Afhayeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee JSL Md. Cabdillaahi Ibraahim Xaaji Xasan oo isaga iyo xubno kale oo wasaaraddaas ka tirsani ay maalintii Isniintii ka qayb galeen xaflad lagu abaal marinayay ardaydii kaalmaha hore ka gashay imtixaanka shahaadiga ah ee d dugsiga sare ee Faarax Nuur ee magaalo madaxda gobolka HAWD ee BALLIGUBADLE ayaa jawaab ka bixiyey hadallo xaqiiqada ka fog oo guddoomiyaha ahna murrashaxa xisbiga WADDANI ka soo yeedhay kuwaas oo meesha ka saaraya horumarka waxbarasho ee gobolka HAWD gaadhay.  Waxaa kale oo Afhayeenku farriin u caqli celin ah u diray Siyaasiga Xuseen Axmed Caydiid oo uu sheegay in ay hoos martay waxqabadkii ay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo dalka ka samaysay xilligii shanta sanno ahaa ee uu wasiirka ka ahaa  iyo horumarka ay gobolka Hawd gaadhsiisay, kaas oo ahaa mid aan la xaqiri Karin hase yeeshee  uu siyaasigani hilmaamay. Sidoo kale waxaa afhayeenku canaan kulul u soo jeediyey xubnaha golaha wasiirrada iyo xukuumaddaba ku jira ee deegaanka gobolka HAWD oo uu ku canaantay in wixii ay maanta ka qabtaan deegaankaas ay ku faani karaan oo keliya isla markaan ay  taariikhda u geli doonto.

Khudbada uu madashaasi ka jediyey Afhayeenka wasaaradda waxbarashadu ugu horreyn waxaa uu farriin faraqa ugu guntay shacbiga reer Balligubadle “reer Balligubadle mid baan kula dardaarmayaa, waxaanan leeyahay Adduunyada waa la tartamayaa oo rag siyaasiyiin ah baa idiin imanaya ama mucaarid ha ahaadaan ama muxaafid ha ahaadaane, waxaa la doonayaa inaad mid kasta la xisaabtantaan waayo xaq baad u leedihiin ninka wax kaa doonaya ee kuu imanaya in aad la xisaabtanto adigoo mid kasta wixii aad hore ugu haysay ku qiimaynaya. Madaxweynaha JSL shaqaallaha dawladda waa uu ka mamnuucay siyaasadda inay ka hadlaan laakiin waxaan doonayaa in maanta Maadaama oo aan afhayeenkii wasaaradda waxbarashada ahay  erey kooban ka idhaahdo arrin weerar ku ahayd wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare, laakiin intaydii shaqada khusaysay ee afhayeennimo ma dhaafinayo. Dhawaan mar uu guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI uu halkan [Balli-gubadle] yimi waxaa uu yidhi saddex iyo labaatan dugsi baa halkan ka furan, oo maanta afar kamid ah baa ka shaqaynaya, waxaan leeyahay guddoomiye kuwa kugu yidhi sidaasi been bay kuu sheegeen, arrintaasna wax ka jiraa ma jirto ee inaad hubsato ahayd”. Sidaas ayuu yidhi Afhayeenka wasaaradda waxbarashadu.

Geesta kalena waxaa uu Md. Cabdillaahi Ibraahim Xaaji Xasan ka hadlay isla markaana uu U Caqli celiyey   wasiirkii hore ee wasaaradda Caddaallada Somaliland oo haatan ka tirsan xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, kaasi oo uu sheegay in uu kala garan waayay dhaliisha uu xukuumadda u jeedinayo iyo  sababaha uu u cuskanayo “Xuseen Axmed Caydiid waa nin siyaasi ah oo muxtarim ah, aniguna qofka iga weyn wax qadaf ah kuma sameeyo mana caayo waayo reer Diimeed baan kasoo jeeda oo dardaarankaas baan qabaa laakiin Xuseen erey hadalkiisa ku jiray baan qaadan waayay mid baan leeyahay; Xuseen Axmed Caydiid waxaa uu kamid ahaa siyaasiyiintii xisbiga KULMIYE Aasaasay, raggii magaca ku lahaa ayuu ahaa, adduunyadana ninka raga ah waad iska soo hor jeedi kartaan  xagga fikirka, laakiin qofku wixii uu  qabtay ma xaqiri kartid, Xuseenna in uu taariikhdiisii xaqiro waan la yaabay waayo shantii sanno ee uu xukuumadda ku jiray in uu yidhaahdo hal dugsi hoose dhexe deegaankan laguma soo kordhin waan la yaabay, waxaanan leeyahay adeer si kale u dhig hadalkaagaas waan ku jecellahaye oo waxaad tidhaahdaa muddadii aan xukuumadda ku jiray wixii aanu deegaankan ka qabannay waxba kumay soo kordhin, sidaas u dhig hadalkaaga oo waxaad canaanataa raggii xukuumadda kaaga dambeeyey ee golaha wasiirrada ku jiray ee deegaanka ka mid ahaa kuwaas ku canaano inaanay waxba ku soo kordhinin deegaanka haddii kale waxaa ay noqonaysaa in xataa adigu aad meesha iska fadhiday oo caqligaaga ayaad caayaysaa. Midna waan kaaga marag furayaa Xuseennoow Adeer oo anigu ma ihi dadka siyaasadda ku cusub ee socod baradka ah ee qof walba caayee markaad wasiirka caddaallada ahayd iyo markaad wasiirka hawlaha guud ahaydba laba qoddob baad dhaqan u lahayd  xilliga xafiiska laguugu yimaado oo aanan xaqirayn xataa haddii uu kaa soo hor jeedo.

Xuseen Axme Caydiid waxaa uu lahaa [HAA]hore iyo [MAYA] hore. Haa hore ayuu lahaayoo haddii uu waxaas qabanayo wixii uu ka tarayo ayuu markaas dhiibi jiray, MAYA hore oo weliba adagna wuu lahaa haddii aanu waxaas waxba ka qabanay waxba ma qabanayo ayuu odhan jiray sidaas ayaan leeyahay Xuseen, raga kale ee wasiirrada ah ee deegaanka ee maanta xukuumadda ku jirana waxaan leeyahay waxaa taariikhda idiin gelaysa oo wixii hore ee la qabtay wixii aad maanta ku soo krodhisaan uun. Wixii aad la timaadaan uun baan xisbigina wax u ah, xukuumaddana wax u ah”. Ayuu Afheyeenku yidhi. Geesta kale waxaa uu afhayeenka wasaaradda waxbarashadu farta ku fiiqay sababaha uu maalinta cod bixinta ku dooranayo Murrashaxa KULMIYE  “Anigu olole ma galayo mabda’iyan laakiin maalinta codbixinta doorashada loo dareero Muuse Biixi baan u codaynayaa waxaanan ku dooranayaa oo aan ugu codaynayaa dugsiga Suldaan Maxamed suldaan Faarax waxa uu ka qabtay iyo lixdanka kun ee dollar ee uu galiyey baan ugu codaynayaa, waxaana la doonayaa in ninka siyaasiga ahi marka uu wax doonayo uu wax qabto oo wuxuu ku tartamo uu qabto, waxaanan Muuse ku taageerayaa wixii dalka iyo dadka u qabtay, laakiin maanta wasaaradda waxbarashada wixii uu la qabtay ayaa codkan aan bixinayo ku bixinayaa. Taas marka laga yimaado Waxaa  kale oo aan Mujaahid Muuse Biixi ugu codaynayaa  Maalintii dalka u baahnaa rag u dhinta waxaa uu Muuse kamid ahaa raggii badka is keenay ee aan gabanin ee naftooda dadka uhibeeyey, Muj. Xuseen Axmed Caydiidna taas waa iiga marag waanu og yahay inaan Muj. Muuse Biixi Iyo Cirro  laba la is barbar dhigi karo ahayn, hase yeeshee Xuseen cadho ayuu ku maqan yahay oo waxa uu qaadan waayay in Madaxweynaha oo uu dhisayay uu ka talagalin waayay xulashadii Muuse Biixi taasna maalin aan maanta ahayn marka ay Mujaahid Muuse guushu raacdo labada mujaahid way ka heshiin doonaan, dalka horumarkiisana way ka wada shaqayn doonaan sidii ay horeba uga soo wada qayb galeen halgankii dib u xoraynta qaran ee SNM hormoodka ka ahayd.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan: 

Xigasho: Hubaal Media.

bandhige@gmail.com