Mulkiilaha Facebook wuxu ballan-qaaday in qaxootiga dunida uu internet wada gaadhsiin doono

Mulkiilaha shariikadda sida weyn u koraysa ee Facebook Mark Suckerberg wuxu Axaddii khudbad u jeediyey golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay wuxuna sheegay in uu ka shaqayn doono sidii ay qaxootiga dunidu u heli lahaayeen internet.

Mark Suckerberg oo dhawaan ku soo biiray safka hore ee maal-qabeennada dunida ayaa sheegay in qaxootigu haddii ay internet helaan ay u sahlanaan doonto in ay qaraabadoodii la xidhiidhaan, in ay fikrado cusub keenaan iyo weliba in ay Facebook isticmaalaan.

Suckerberg wuxu sheegay in Facebook-gu leeyahay hal bilyan iyo badh macaamiil ah oo ugu yaraan qof kastaa bishii hal mar soo gala, isla markaana bishan September ay markii kowaad taariikhda hal bilyan oo qof maalin kali ah soo wada galeen.

Suckerberg wuxu madaxweyneyaasha dunida u sheegay in dadweynaha dunida ee hadda isticmaala internet ay yihiin saddex bilyan oo qof, laakiin loo baahan yahay in afarta bilyan ee kalena la gaadhsiiyo si internetku u noqdo wax qof kastaaba xaq u leeyahay. Wuxu sheegay in uu ku dedaalayo in arrinkan uu la kaashado dunida ay isku si wax u arkaan si ay uga midho-dhaliyaan afar sanno gudahood.

Il-wareed: bbcnews

Bandhige@gmail.com