Munaasibad xadhiga lagaga jarayo dusigii dhaqaalaha guriga ee degmada 26-June

Munaasibad xadhiga lagaga jarayo dusigii dhaqaalaha guriga ee degmada 26-June oo baahiweyn loo qabay, maadaama uu hore u xidhmey dugsigii dhaqaalaha guriga ee Xaaji Haweeya ayaa maanta ka qab soontey dusiga H/Dhexe ee Sheekh Bashiir, taas oo uu Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) u go’aamiyey in ay noqoto dugsiga dhaqaalaha.

Waxa iyana xaflada xadhig kajarka lasocdey dugsiyada M.Ali Dayib, Alif doon, Sheekh Yuusuf iyo Axmed Dhagax oo iyana lagu soo kordhiyey qaybtii xirfadda ee dawaarka oo ay dhiganayaan walidiintii hore u dhamaystey akhris/qoraalka.

Munaasibada waxa ugu horeyn ka hadashey Ayaan oo ah gudoomiyaha Ururka Abu-Hurayra, iyada oo ka hadashay doorka ururkoodu ka qaato Waxbarashada xirfadaha.

Waxa iyana halkaas ka hadlay gudoomiyaha waxbarashada degmada Hargeysa iyo gudoomiye ku xigeenka waxbarashadda gobolka M/jeex oo sheegey muhiimada dusigani u leeyahay degmada 26june.

Gunaanadkii waxa ka hadlay agaasimaha Waaxda Waxbarashada Dadban Axmed Ismaacil Cabd, oo kahadley maraaxilka uu soo maray in dugsiga sheekh bashiir laga furo dugsigii dhaqaalaha guriga ee degmada 26-june, isagoo sheegey in dusigani uu noqonayo mid casriyeysan oo ay ku bartaa xirfadaha rag iyo dumarba.