Waxay u eg tahay in xamaasaddii doorashada ee Maraykanku ay mar kale soo noolaatay kadib markii niman caan ah oo ah saynisyahanno dhinaca Kombiyuutarku ay dalbadeen in dib loo tiriyo codadka uu helay Donald Trump iyaga oo ku doodaya in isu-gayntii tirada ee ugu dambeeyey ay u badan tahay in ay wax is weydaarteen iyadoo laga shakisan yahay in ay soo dhex galeen kooxaha khalkhaliya xogta kombiyuutarrada ee Ruushka ah.
Saynisyahannadu waxay sheegeen in ay ku arkeen xaalad aan dabiici ahayn tirooyinka ka soo baxay goobihii uu Trump libinta ku helay iyadoo meelo badan ay ka shakisan yihiin in tirooyinka la shax guuriyey.
Maalmihii hore uma ay soo jawaabin kooxdan Hillary Clinton iyo kooxdii u qaabilsanayd ololaha hase ahaatee shalay ayay aqbaleen in ay taageeraan dib-u-tirinta codadka.
Hase ahaatee murashaxii guulaystay Donald Trump ayaa ku tilmaamay wax aan la aqbali karin oo lala yaabo, wuxuna yidhi “Hillary iyo qoladii Dimuqraadiga ee sida xun u guul-daraystay ma hadda doonayaan in ay dib-u-tirin ku meeraystaan”. Sidaas wuxu ku qoray barta uu caanka ku yahay ee uu ku leeyahay Twitterka.
Kooxaha dalbanaya dib-u-tirinta waxa iyaduna ku soo biirtay haweenayda la yidhaa Jill Stein oo u sharaxnayd xisbiga la yidhaa Green Party. In kastoo ay heshay wax ka yar 1% tirada codadkii la dhiibtay, haddana waxay ku doodday in ay caddaalad raadinayso laakiin aanay iyadu raadinayn wax gaar uga maqan.
Maalmahan soo socda ayaa la arki doonaa in arrinkani sii socdo iyo in uu iska noqdo xumbo caadifadeed oo gudhay.
BANDHIGE NEWS
Bandhige@gmail.com