Murashaxiin saluugay hab-maamulka shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye oo shir ku qabsaday Guuleed Huteel

Xubno iska bahaystay Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, Xildhibaan Kijaandhe oo saddexdooduba ah murashaxiin u taagan murashaxnimada madaxweynenimada Kulmiye ayaa sheegay in ay saluugeen hannaanka loo abaabulayo shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye.

Sida Cabdicasiis Samaale BBC-da u sheegay, shirka Guuleed Huteel ka dhacay wuxu ahaa dhuula-tus ay murashaxiintani awooddooda ku muujinayaan. Waxana ka soo qayb-galay odayaal, xildhibaano, dhallinyaro, haween iyo xubno ka tirsan golaha dhexe ee Kulmiye oo aanaan tiradooda xaqiijin karayn.

Cabdicasiis Maxamed Samaale waxa uu xusay in ay murashaxiintan ay isku bahaysteen ay rabaan in ay qayb ka ahaadaan abaabulka shirka.

Xubnihii ka hadlay madasha oo uu ka mid ahaa guddoomiye-xigeenka 3aad ee Kulmiye Talyanle, Wasiir Geedoole, Wasiir-Xigeenka Dibedda Axmed-kayse ayaa iska daba-maray cabashadooda la xidhiidha in ciidanka boolisku ka hor istaageen shirkan oo ay ku qabsan lahaayeen Maansoor Huteel. Waxay sheegeen in Madaxweyne-xigeenku dhinac (Muuse Biixi) la saftay sidaas daraadeedna ay cabashadooda la sugayaan Madaxweynaha.

Maalmihii u dambaysay waxa taagnayd xummadda abaabulka shirweynaha Kulmiye. Guddoomiye-Xigeenka Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo warbaahinta qaar la hadlay ayaa sheegay in maanta ay si rasmi ah bixintii kaadhadhka xubnaha Golaha Dhexe ay xarunta guud ee Kulmiye ka bilaabmeen.

Weriye Bandhige ka tirsan oo xarunta booqday ayaa soo xaqiijiyey in bixinta kaadhadhku ay socdeen, iyadoo xubnaha Golaha Dhexe sawiro laga qaadayey kadibna loo samaynayey kaadhka ay ku codayn doonaan marka uu shirka Golaha Dhexe bilaabmo.

Bandhige@gmail.com