Murrashaxa KULMIYE iyo wefti uu hoggaaminayo waxa si siirran loogu soo dhaweeyey Deegaanka Wado-makaahiil

 

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biix Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey deegaanka Waddo-makaahiil ee gobolka Maroodi-jeex.

Guud ahaan shacabka deegaanka Waddo-makaahiil oo ay horkacayaan wegen gammaan ahi, isla markaana ay wehelinayaan, cuqaasha, salaadiinta, Ugaasyada iyo waxgaradka deegaanku, ayaa guddoomiyaha iyo weftigiisa kaga horyimi goob ka baxsan magaalada, waxana ay socod lug ah kusoo mariyeen dariiqyada magaalada Wadd-makaahiil, iyada oo markii dambena weftiga u gelbiyey madal loogu talo galay in shacabka lagala hadlo.
Shacabka isugu soo baxay soo dhaweynta weftiga murrashaxa KULMIYE hoggaaminayo, ayaa ku tiraabayey erayo mac oo ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa, waxana ka muuqatay xammaasad iyo taageero laxaadleh oo ay xisbiga ku garab taagan yihiin.

Ugaaska guud ee beesha deegaanka Waddo-makaahiil Ugaas Maxamed Cabdilaahi Ibraahim Jabane oo shacabka isu soo dhaweynta isugu soo baxay hadal kooban u jeediyey, ayaa si weyn uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran ee ay bulshadu ku qaabishay murrashaxa iyo weftigiisa, waxana uu shaaca ka qaaday inay deegaan ahaan si buuxda u taageersan yihiin xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisab.
Wasiirkii hore Sheekh Muxumed Suufi Maxamed oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa hadallo dardaaran iyo duco isugu jira u jeediyey bulshada reer Waddo-makaahiil ee soo dhaweynta murrashaxa iyo weftigiisa isugu soo baxday.

Wasiirka wasaaradda caddaaladda Somaliland Md. Axmed Faarax Cadarre, ayaa isaguna wax lagu farxo ku tilmaamay soo dhaweynta aan loo kala hadhin ee ay bulshada deegaanka Waddo-makaahiil ku qaabishay weftiga uu murrashax Muuse Biixi hoggaaminayo, waxana uu shacabka ku adkeeyey inay codkooda la garab galaan KULMIYE.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo hadal u jeediyey, ayaa ku bogaadiyey soo dhaweynta milgaha iyo maamuuska leh ee ay isaga iyo weftigiisa ku qaabileen, waxana uu ka dalbaday in iyaga oo waxqabadka xukuumadda KULMIYE ka tusaale qaadanaya ay codkoodana ugu deeqaan KULMIYE, isaga oo intaas kadibna xadhigga ka jaray xafiis cusub oo uu xisbigu ka furtay gudaha degmada Waddo-makaahiil.

bandhige@gmail.com