Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE wuxu codkiisa ka dhiibtay xarunta Ha’yadda Shaqaalaha, waxaanu fariin u diray Shacabka Somaliland 

 

Murrashaxa jagada Madaxwenaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa codkiisa ka dhiibtay xarunta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda e caasimadda Hargeysa goor dhawayd.

Murrashax Muuse Biixi oo gudanaya xuquuqdiisa muwaadinimo ee distooriga ah waxa uu codbixinta doorashada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland oo guud ahaan dalka oo dhan looga dareeray saaka kaga qaybgalay xarunta hay’adda Shaqaalaha dawladda oo ay codkooda ka dhiibanayeen boqolaal qof oo muwaadiniin ahi.

Md. Muuse Biixi oo markii uu codkiisa bixiyey barxadda goobta codbixinta kula hadlay warbaahinta, waxa uu ku boorriyey shacabka reer Somaliland inay si nabagalyo ah codkooda u dhiibtaan, isla markaana waxa uu ka codsaday inay isaga ugu deeqaan codkooda.

bandhige@gmail.com