Musharax Jamhuuriga Maraykanka ah oo ku tiraabay in qof Muslim ah aan madaxweyne loo dooran

Muslimiinta Maraykanka ayaa aad uga cadhooday hadal xalay ka soo yeedhay musharaxa Jamhuuriga ah ee Maraykanka Ben Carson oo sheegay in aanu doonayn in uu arko qof muslim ah oo Madaxweyne ka noqda Maraykanka.

“Muslimnimada iyo Dastuurka Maraykanku isma qaadan karayaan” ayuu yidhi Carson.

Laakiin Carson muu faahfaahin sida muslimnimadu uga hor imanayso Dastuurka Maraykanka.

Ibraahim Hooper oo ah af-hayeenka Golaha Muslimiinta Maraykanka ayaa hadalka ka soo yeedhay Carson ku tilmaamay wax aad loola yaabo.

“Ninkani wuxu inna tusay uun in aanu dalkan madaxweyne ka noqon karayn. Ninka Maraykanka raba in uu madaxweyne ka noqdo waa nin u talin doona dad aaminsan diimo kala duwan oo Islaamku ka mid yahay” ayuu yidhi Hooper.

Muslimka Maraykanku waxay aad ula sii yaabeen iyadoo uu Carson yahay nin madow ah madowga Maraykankana loogama baran nacayb ay u hayaan muslimiinta.

Ben Carson ayaa ahaan jiray dhakhtar ku takhasusay neerfaha iyo qalliinka maskaxda. Haatan oo uu murashax ka noqday Maraykanka wuxu haystaa taageerada ugu hoosaysa marka loo eego toddobada murashax ee la tartamaya.

Murashaxa hor kacaya Jamhuuriyga oo la yidhaa Donald Trump waxa maalin dhawayd lagu haystay in hortiisa lagu aflagaadeeyey Muslimiinta oo aanu waxba ka qaban. Laakiin Axaddii oo wax laga waydiiyey Maraykanka Muslim madaxweyne ma ka noqon karaa wuxu ku jawaabay:

“Maraykanka way dhici kartaa in Muslim Madaxweyne ka noqdo. Marka aan si daacad ah u wada hadalno dadka qaar baaba sheegay in arrintaasi ay dhacday (wuxu u jeedaa Barack Obama.)”

Donald Trump wuxu sheegay in uu asxaab la yahay dad badan oo Muslimiin ah isla markaana ay yihiin dad aad u wanaagsan, sidaas daraadeed ay muhiim tahay in la kala saaro argagixisada iyo muslimiinta caadiga ah.

Wixii ka dambeeyey weerarradii 11-kii September, Maraykanka waxa ku soo kordhayey cunsuriyadda Islaam nacaybka kaas oo loo arko in uu hadda gaadhay meel aad u sarraysa.

Bandhige@gmail.com