Musharax Maxamed Saleebaan oo Burco ku qabtay koob lagu xusay Marxuum Cali Sugulle

Musharax Maxamed Saleebaan oo u sharaxay xildhibaanada baarlamaanka Somaliland ee doorashadda baarlamaanka ee soo socoto ayaa waxa uu Burco ku qabtay koob lagu xusayey Alle ha u naxariistee Abwaankii weynaa ee Cali Sugulle Cigaal (Dun-Carbeed) oo Khamiistii Aas Qaran loogu sameeyey magaalada Hargeysa.

Koobkan ayaa waxa u tartamayey labada kooxood ee u kala ciyaara Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gaadiidka Cirka iyo Gaashaan ee Ciidanka Qaranka.

Ugu horeyn waxa ka hadlay munaasibadda koobkan Musharax Maxamed Saleebaa oo soo qaban qaabiyey koobkan waxaanu hadalkiisii ka mi ahaa:

“Waxa sharaf ii ah inaan maanta Garoonka Alamzay ee magaalada Burco ku qabtay Koob lagu xusayo halgamaagii iyo halabuurkii Soomaaliyeed; AHN Cali Sugulle Cigaal (Dun Carbeed). Koobkani oo aan sidoo kale uga dan lahaa dhiirrigalinta cayaaraha, isdhexgalka dhallinyarada iyo la-dagaallanka balwooyinka aafeeya da’yarta.”

Sidoo kale Maxamed Saleebaan waxa uu sheegay in aanay hawshani noqon doonin tii ugu dambaysay, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Ma noqon doono hawshii ugu dambaysay ee aan qabto, wuxuu se qayb ka yahay dedaallo door ah oo daarran horumarinta awoodaha jidheed/maskaxeed ee da’yarta gobolka Togdheer oo aan ka mid ahay musharrixiinta uga tartamaysa doorashooyinka Wakiillada iyo Madaxtooyada ee 2017. Waxaan u mahadnaqayaa cid kasta oo ka qaybqaadatay hirgalintii tartankan.”

Gabagabadii waxa uu Maxamed Saleebaan Cumar waxa uu soo qaatay Tuducyo Suugaaneed, waxaana ka nid ahaa oo uu yidhi:

 “Diric keli ahaantii, Daleel guusha kama helo, Dadkaa Geesi lagu yahay!”

Ugu dambeyntii waxa ka hadlay munaasibadan Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Ibraahin Qabo, waxaanu Alle uga baryey in uu Naxariistii Janno ka waraabiyo, Ehelka, Qoyska, Asxaabta iyo guud ahaan Somaliland iyo ummadda Somaliland-ba samir iyo iimaan ka siiyo. Waxaanay Musharaxa ku ammaaney garashada iyo go’aanka uu Koobkan lagu xusay Marxuumka ku dhigay.

Haddaba, Ciyaartan Kubbadda Cagta ee dhex-martay gelinkii dambe ee maanta Kooxda Wasaaradda Duulista Hawada iyo Kooxda Ciidanka Qaranka ee Gaashaan, ayaa ahayd mid aad u kulul oo ay labada Kooxoodba ku soo bandhigeen Ciyaar aad u hufan oo weerar iyo difaac-ba dhisnayd, taasoo sababtay in Sagaashankii daqiiqo ee Ciyaartu socotay ay ku dhammaato Barbar-dhac Eber iyo Eber ah (0+0).

Hase-yeeshee, wakhtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray, ayaa sidoo kale ay labada Kooxood isla dhaafi waayeen waxba iyo waxba, iyadoo aanay kooxna u suuragelin in ay kooxda kale birtooda gool ku taabtaan. Balse dhinac waliba waxa uu ku dedaalay oo uu muujiyey ciyaar adag oo difaac iyo weerarba koobsatay.

Gebo-gabadii waxay guushu raacday kooxda Ciidanka Qaranka ee Gaashaan ee ka dhisan Burco oo rikoodhayaal ku badisay.

13 15 16 CAY2 CAY1 12546183_932402953497109_161283818_o 17

bandhige@gmail.com