Muuse Biixi oo ka dareen-celiyey eygii loo xidhay calanka Waddani

Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Muuse Biixi Cabdi ayaa mar uu maanta ka hadlayey xaflad loo qabtay arday ka qalinjebisay Jaamacadda Edna wuxu warbaahinta ka codsaday in aanay buunbuunin khalad uu hal qofi galay. Wuxu sheegay in qof khalad sameeyey aan loo nisbayn karin xisbi dhan iyo xukuumad.

Muuse Biixi Cabdi wuxu sheegay in falkii calanka Waddani eyga loogu geliyey uu ahaa mid aan qurux badnayd, isla markaana uu ka soo hor jeeday dastuurka, diinta iyo dhaqankaba.

Muuse Biixi wuxu dhallinyarada xisbiga Kulmiye u ololaysa kula dardaarmay in ay ficilladooda ku daraan anshax iyo akhlaaq.

Hoos ka daawo muuqaalka Horn Cable TV ee hadalkii guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.