Muuse Biixi oo loo cumaamaday murashaxa madaxweynaha

Ugu dambayn waxa murashaxa madaxweynenimada Kulmiye uga qayb-galaya doorashada 28 March 2017 loo cumaamaday Muuse Biixi Cabdi isagoo codadkii ay xubnaha Golaha Dhexe ee xisbigu dhiibteen ka helay 344.

14 xubnood oo ka tirsan Golaha Dhexe ayaa diiday murashaxnimada Muuse Biixi iyadoo ay 7 kalena ka aamuseen.

Muuse Biixi Cabdi ayaa loollan aad u dheer u soo galay tartanka murashaxnimada taas oo uu maanta ugu dambayntii hantiyey.

Cidi kulama ay tartamin Muuse Biixi shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye maadaama ay qaadaceen murashaxiintii la filayey in ay is wajahaan oo kala ahaa Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis iyo Xildhibaan Kijaandhe.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa shaaciyey in aanu murashax ahayn ee uu noqon doono oday mus-dambeedka u fadhiya qaranka Somaliland.