Muwaadiniintii Iiraan kaga geeriyooday Xajka dhimashadoodu waxay sii cago-cagaynaysaa 464

Masiibadii Xajka ka dhacday maalintii Ciidal-Odxada waxa ku le’day 769, aqlabiyadda dadkaas oo ah 464 qof ayaa hadda la xaqiijiyey in ay Iiraaniyiin yihiin.

Masiibadan xajka ka dhacday Iiraan waxay dusha u saartay xukuumadda Sucuudiga oo ay ku eedaysay in ay karti u wayday ay ku ilaaliso bed-qabka Iiraaniyiinta.

Hase ahaatee Sucuudi Carabiya ayaa sheegay in Iiraan ay siyaasadaynayso masiibadan xajka ku habsatay, loona baahan yahay in ay ka war-sugto baadhitaannada uu ku baaqay boqor Salmaanka Sucuudigu.

Iiraaniyiin gadoodsan ayaa maalmihii ugu dambeeyey ka hor mudaharaadayey barxadda hore ee safaaradda Sucuudigu ku leeyahay Tahraan, magaalo-madaxda Iiraan.

Tirada dadka masiibadan ku dhaawacan tahay ayaa iyaduna sii caga-cagaynaysa 934 qof. Tirada Soomaalida ee geeriyootay ayaa lagu sheegaa inta u dhaxaysa 6 ilaa 8 qof.

Isla muddadii xajkan la gudanayey waxa soo dumay wiish ay lahayd shirkadda dhismaha ee Ilma Bin Laden, waxa ku qudh-baxay 109.

Wadarta guud ee intii gudashada waajibaadka xajku Maka ka socday geeriyootay waa 878 qof. Waa masiibadii ugu cuslayd ee soo marta xajka tan iyo 1990-kii.

Bandhige@gmail.com