Myanmar waxay oggolaatay in boqollaal kun oo Rohingya ah lagu celiyo dalkeeda

Kadib xasuuq ba’an iyo baro’kicin ay Qaramada Midoobay ku qeexday isir-sifayn oo muddo bilo ah dalkaas ka socotay. Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Bangladesh ayaa tibaaxday in ay heshiis kala saxeexdeen labada dawladood ee Bangladesh iyo Myanmar (Burma).

Hase ahaatee ururrada u dooda xuquuqda aadamaha ayaa ka walaacsan in dadkaasi ay la kulmi karaan tacadiyo la mid ah kuwii ay ka soo qaxeen haddii lagu khasbo in ay noqdaan iyadoo aan amnigooda si dhab ah loo sugin.

Haseyeeshee Nay San Lwin oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Rohingyada ayaa sheegay in aanay habboonayn in dadkaas dib loo celiyo ilaa la xaqiijiyo in ay helaan dhalashada ama muwaadinimada waddankaas.

Xukuumadda Myanmar ayaan qowmiyadda Rohingyada u aqoonsanayn muwadiniin, waana sababta had iyo jeer dhalisa dhibaatooyinka ay shacabka qowmiddan laga tirada badan yahay  muslimiinta ahi u waajahaan.

Bandhige@gmail.com