Naasir Al-Baxri oo ahaa waardiyihii Osama Bin Laden ayaa geeriyooday

Naasir Al-Baxri oo ahaa waardiyihii iyo darawalkiib gaarka ahaa ee Cusaama Bin Laadin ayaa geeriyooday kadib markii uu muddo dheer xanuunsanayey.

Naasir waxa lagu qabtay dagaalkii Maraykanku Afgaanistaan ku qaaday weerarradii 11-kii September kadib waxana laga soo daayey 2008-dii.

Naasir waxa uu u dhashay dalka Yemen, waxana la aaminsan yahay in uu geeriyooday Sabtidii isagoo ku jira da’da afartanaadka.

Naasir Al-Baxar waxa la sheegay in uu ka qayb-qaatay weerraro Al-qaacida ka fulisay Soomaaliya, Boosniya iyo Afgaanistaan.

Waraysi uu Al-Baxri siiyey BBC-da 2015-kii wuxu ku sheegay in uu ka walaacsan yahay da’yarta oo ku sii qulqulaysa afkaaraha xag-jirka ah.

Bandhige@gmail.com